In badan ayaa la dhowrayay in mar un indhaha laga qaado muqdisho oo ka gudbeysa gadaal u socodka ay asaageed kaga hartay iyo burburkii ay sanadaha uga tilmaaneyd caasimadaha dunida
In nidaamkii Xamar uu si buuxda u soo laabto ayaa leysku raacsanaa in ay nabada oo soo laabata ay udub dhaxaad u tahay waxana ,ay ahey”d tilaabo sababtay doonto haku timaadee lagu guuldareystay in badan in mar un laga guul gaaro
hada Soomaaliya waxa kajirta dowlad rasmi ah aqoonsina ka heysata caalamka Muqdishana si dhameystiran ayay gacanta ugu jirtaa dowladaasi in kastoo xaalada ay weli tahay mid lagu tilmaami karo socod barad ah
muuqaalada muujinaya dowladnimada Muqdisho kasoo bidhaameysa ee shaashadaha laga daawado ayaa soo jiitay indhaha soomaalida laqabsaday nolosha qurbaha waxana ay bilaabeen in si xowli ah dalka ay ugu soo laabtaan
ma aha kaliya inay u yimaadeen inay dalka ku noolaadaan balse waxa ay bilaabeen tartan ganacsi oo waayahaan aan dalka kajirin waana tilaabo ay xaq u leeyihiin
hormaradii lagu haminayay ayayna qeyb kanoqdeen balse nimco walibaa nusqaan lehee nabada soo laabaneysa ayay dadka qaar ula muuqatay inay u darantahay dadka dhaqaala ahaan aad u liita oo ay nolosha ku dhibtoonayaan
waxyaabaha magaalada ku soo biiray waxa kamid ah baarar iyo maqaayado looga cunteeyo qofkiiba lacag u dhaxeysa 30,Dollar ilaa 50,Dollar waxana, la ii sheegay inay tahay heer aanay weli gaarin maqaayadaha dalalka galbeedka
waxaa kale oo Muqdisho hada kajira hoteelo qeybohooda gaarka ah ama VIP habeenkiiba looga seexdo lacag dhan 4,00 Dollar
Hoteeladana waa ganacsiga ugu weyn ee ay Qurba joogta muqdisho uga dhax tartamaan iyadoo todobaadkiiba ugu yaraan labo hotel xariga laga jaro
waa ganacsi malaha dadka dibada kayimaada lacag kadhigis loogu sameeyo taana dhaqaalo yahano ayaa ku tilmaamay inay tahay lacag dalka soo galeysa oo faaiido u ah laakiin dhibka ay soo kordhisay ee la ogaaday waxa kamid ah in milkiilayaasha hoteeladii iyo maqaayadihii jabnaa ee dadka qorax joogta ah ama aan qurba joogta aheyn ay isticmaalayeen in iyana qiimo koror lagu sameeyay si asaagood qaaliga ah ay u beegsadaan
Hooyo Muqdisho ku nool ayaa ii sheegtay in biilkii maalinlaha ee qoyskeeda uu hada isbedelay ayna kawalaacsantahay waxa ku soo socda
midba wax kadarane si lamafilaan ah ayaa loo riday sarifka Dollarka iyadoo qiimaha raashinka aanu isdhimin sababaha ayaa qofba uu sheegayaa mid gaar ah
dadka qaarbaa leh waa kulanka dhaxmaray madaxweynayaasha Mareykanka iyo Soomaaliya qaarna waxa ay leeyihiin waa Dollarka dalka xad la ,aanta u soo galaya dowladana warkan wuxuu u soo gaaray sida ay shacabka u maqleene waxana ay ku tilmaantay in dhibka uu ka yimid shilin Soomaaliga isagoo sii yaraanayay hadana qaar badan ay ku gubteen Boosaaso
laakin dad arintan u kuurgala ayaa si hoose noogu sheegay in mushkilada ay kasocoto dhowr ruux oo ah sariflayaasha ugu waaweyn kuwaasi oo ku heshiiyay in markii ay doonaan ay xaalada sidaan u kiciyaan waxana layaab leh in mushkiladan Muqdisho hada haysata aanay laqabin inta badan gobalada iyo magaalooyinka kale
dhamaan dhibaatooyinkan isbiirsaday waxa markii ugu horeysay taariikhda ay horseedayaan in dadka ku dhow labada Million ee Muqdisho ku nool inay hada ukala baxay labo qeyb oo nolosha ah waana dabaqadaha sare iyo mida hoose
waxana halkaa kabaxaya dabaqadii dhexe oo bulshada inteeda badan ay ku mideysneyd Prof.Mahad Maxamed Sheeq Xasan waa hormuudka kuliyada Dhaqaalaha ee Jaamacda SIMAD
Nabada curdunka ah ee weli ku xeran qoriga caaradii ee Muqdisho ayaa laga cabsi qabaa in ciriiriga nolosha ah ee ay galayaan dad badan inay Qatar ku noqdaan
Muqdisho ayay mudo dheer dadka kuwada noolaayeen oo agu tilmaamayay maato koris qof waliba ay nolosha ugu saamaxeyso laakiin hada waxa lagu tilmaami karaa maato kadis una baahan in si cilmiyeysan loogu kaashado dhaqaaloyahano xaaladan hadaanta ku socota daba qabata
Waxaa diyaariyay Faaladan Wariye Yuusuf Axmed Abuukar (Keynaan )