Quantcast
Channel: Qubanaha » Qormooyinka
Viewing all 39 articles
Browse latest View live

K/AFRIKA : Ragga Raashiin Kariyaasha ah !

$
0
0

imagesHorta ragga raashiin kariyeyaasha ma cay-baa mise waa amaan?, jawaabtu waxay tahay “waa hadba meesha aad joogto”, haddii Soomaaliya dhexdeeda meel ka dhac ku ahayd in ay ragga raashiinka kariyaan, hadda waxaan joognaa Koonfur Afrika.

Haddii aad tahay gabar dhawaan ka timid Soomaaliya oo u timid ninkeeda oo muddo sanooyin ah ku noolaa dalkani waxaan ku farayaa siffo aad ku tijaabin kartid ninkaaga in uu raashiin karinta foorto ku yahay iyo in kale, maalin isaga oo guriga jooga hortiisa ku qalad cunto aad bisleyneysid, tusaale ahaan inta aad biyo karkarisid basal dib kaga dar adiga oo doonaya in aan suugo dalacdo, waxaad arkaysaa isagoo fadhiga kasoo boodey oo kuu sheegaya in waxa aad samaynayso ay qalad yihiin.

Basasha, bocorka, baradhada, barbarooniga, toonta, xawaajiga, maraq digaaga, kabsar caleenta, liinta, dabacaseeyaha, iyo basbaaska waa uu yaqaanaa sida ay ugu kala horeeyaan digsiga, uma deeymo darna dhadhanka, qayaasta, carafta lagu ogaado in uu raashiinka bislaaday iyo in kale iyo waliba dabka uu u baahanyahay digsiga, ha la yaabin haddii idinkoo qolka ku jirra uu kugu yiraahdo “orod digsiga dabka ka qaad raashiinka wuu bislaadaye”.

Raggu dantiisa kama aradna, duruuftuna wax kasta waa ay kugu qasabtaa, maadaamaa aanan halkani lagu heynin dumarkii raashiinka karin lahaa oo raggu barkood doobyahay, barkood kasoo tagay, in raashiinka la karsadaa waa wax nolosha ku xiran.

Raashiin karintu ragga waxa ay aad ugu badantahay tuulooyinka dukaamada ku yaalaan, dukaan ayaa laga yaabaa in aad booqatid,  marka aad illinka ka gashid ayaa waxaa kaa hor imaanaya qaac dukaanka oo dhan qabsaday, malaha digsi dabka la saaray saacad ka hor ayuu raashiinkii ku gubtey, ninkii dabka ku hilmaamay ayaa si halhaleel ah dabka oga qaadayo isagoo leh “cambuulo gubatayba waa laga sabraa”, tani waxaa ugu wacan ragga ma lahan dulqaadka dumarka oo kale oo ay saacado ku dul taagnaadaan dhari karaya, midda labaad dukaamadu howlahooda ayaa baddan, ciidankoodana waa yaryahay, sidaasi darteed iyadoo digsiga dabka saaranyahay ayaa qof kalyanti ah kuusoo istaagaya ama gaari wax wareejiya ayaa alaab kuu keenaya, waa in aad digsiga ka dul tagtaa.

Nin ayaa iiga sheekeeyey qisso qosol baddan, dukaan uu ka maqnaa ayuu illinka kasoo galay kolkaasaa waxaa salaamay uumi iyo gufaaco wallax suur qurmoon, markaasuu yiri “war yaa maantana dukaanka xaarka ku dhex karsanaya?”, iyada oo aan loo jawaabin ayuu u dhaadhacay qeybta dambe ee wax lagu kariyo, digsi ayaa dabka saaran, daboolka ayuu ka feedey, misane cidiyo iyo qoobab digaag ayaa meeshani kushleeynaya , ma iyadaa ah wax inaba la filayay, inta uu sanka marro ku xirtey ayuu banaanka iskula soo halgaaday digsigii iyo wixii ku jirrey iyadoo uu heenka is dhex yaacayo, wuxuu ii sheegey ninkaasi in uusan waligiis arag wax la mid ah waxaasi, isla markaasina aysan xittaa lahayn addoore hilib “caraf hilib”.

Imisa rag ah oo wax karintu ku cusbeyd oo koombooyin cunto ku gasacadaysan inta furtey qooshtey oo markii ay cuneene mantag ka bixi waayay, isaga oo dukaanka ku cusub ayuunbuu  arkayaa gasacado ay dadka iibsanayaan, kolba mid ayuu eegaa, mise ma ahan wax uu waligiis arkay, wuxuu is weeydiiyee “toloow sidee tani u dhadhameysaa”, marka ugu horeysa ee dukaanka looga taggo ee uu ku kaliyoobo ayuu mid furayaa oo uu tijaabinayaa, hala yaabin haddii aad u timaadid ninkii aad dukaanka kaga tagtay oo carabku banaanka yaalo oo dhareerka ka daadanayo oo waliba habaartamaya, kaliya eeg waxa digsiga ku qooshan ee uu cuney.

Mid ayaa suuxay oo loogu yeerey ambalaas, markii ay yimaadeen shaqaalihii gargaarka degdega ah ayaa loo sheegy in uu ninkani sun cunney, markii ay sariirta saareen ayay weeydiisteen in loo dhiibo suntii uu cuney, kolkaasaa loosoo taagay dhalo uu ku jirro looska cajiinka ah, malaha ninka markii uu looska cunney kadib ayuu eegey dhallada dusheeda mise waxaaba ku sawiran mukulaal isaga la noqotey jiir, wuxuu iska dhaadhiciyey in waxani uu cunney ay yihiin suntii jiirka, shaqaalihii gargaarka ayaa darbo la dhacay ninka una sheegey in aysan waxani sun ahayn.

Dukaamada dhowrka qof lagu joogo waa lagu kaltamaa cunto karinta, taasi waa wax la’isla ogolyahay, laakiin waxaa la’isku qabtaa go’aanka nooca cuntada la karinayo, marka ay cuntada dabka kasoo degto lama sugo inta ay ka qaboobeyso, ee kuleelkeeda ayaa lagu faro saaraa, ninka ayeeyo koriska ah ee dhiilkiisa ay wali caanaha ku jiraan, isaga har cad ayaa habaaska loo reebayaa, waxaad arkaysaa isagoo indhaha mirig-mirig ka siinaya, haddii uu oohin wabaah la yiraahdo marka dambe cuntadiisa gaar ugu gurra fadlan, ogoow ninka maalintaasi cuntada ku qoran ayay tahay in uu weelasha xalo yaanan lagu gaadin.

Qore: Cabdinaasir Saxansoxo


LOTTERY-YOOW LA’AANTAA LADIMAYO HURDADA -QORMO “BY LIIDA”

$
0
0

Nin aduunya joogow maxaa aragti kuu laaban?

Waa su aasha aan ku bilaabayo qormadan xiisaha badan waxaan maalinkastaa aan Isweydiiyaa maxaa keenay in ardayda soomaaliyeed ee ku nool wadanka Pakistan ay ku Noolaadan hamiga helida barnaamijka lottery oo ah barnaamij wadanka mareykanka uu ku Daabulayo umadaha kala duwan ee ku nool dunida daafaheeda,hadaba waxaan ku eegi Doonaa su aasha ah-

Maxaa sababay in ardayda soomaaliyed ee ku nool Pakistan ay hamiyaan helida lottery si ay U aadaan wadanka Mareykan?

myphoto

Lottery ayaa ah barnaamij sanad la ah oo lagu daabulo dad yowga dunida ku kala firirsan kuwaa oo La geen doona wadanka mareekan.

Wadanka Pakistan waxuu ka mid yahay wadamada u furan barnaamijkan Lottery  kaa oo furma Sanadiiba mar sida bisha october waxuna soo baxaa bisha may oo la ogaanayaa cida hesha iyo cida Aan nasiibka u yeelan in ay ka mid noqdaan kuwa loo daabuli doono wadanka Mareykanka, hasa Yeeshee hadii qofka uusan ka mid noqon kuwa sanadan loo qaadi doono wadanka mareekan ma Quusto oo weli waxuu leeyahay waxaan helayaa sanada dambe asagoona mar waliba sheega in uu Mar uun mareykanka uu tagi doono hadii uu nool yahay, mararka qaar waxaad arkeysaa ardaygii oo Dhameyn raba jaamacada ayaa afka mar waliba ku haya in uu jeclaan lahaa maalin uun inuu caga Dhigto wadanka Mareykanka.

Hadaba waxaan wax badan ka weydiyay qaar ka mid ah ardayda soomaaliyeed ee wax ka barata Wadanka Pakistan  marka aad weydiiso qof waliba waxuu kugu jawaabayaa

“Aduunka meel aan mareekanka aheyn nolol mataalo waa lasoo ogaaday”

Waxaase xusid mudan in wadankastaa oo aad tagto uu leeyahay caqabadiisa hadaad moodid in Wadanka kaliya ee lagu noolaan karo in uu yahay wadanka mareekanka, mareekanka waxaa ka Dhaca dilal mararka qaar aan la ogeyn cida geesatay  laakin nafta ayaa mala awaal ama been u Sheegta qofka ay ku dhex surantahay.

Inkastoo ay jiran dad farabadan oo ku baxay lottery hadana nolol wanaagsan ku nool laakin hadii Qofka uu wax barto waxaa wanaagsan in marjaciisa uu noqdo wadankiisa hooyo uu wax ku soo Kordhiyo umada uu kasoo jeedo.

Waxa iyana jira dadka qaar oo aminsan in lottery uu yahay wax aanan jirin ayagoona u cuksanayo In ay jecel yihiin wadankooda ayna doonayaan in ay wax u qabtaan sidaa darteedana uusan Dooneyn wadanka mareekanka.

Marka aan weydiiyo su aalo qaar sida” maxaa kugu dhaliyay in aad mareykan aado”? jawaabta aan Heleyo waa:

“KU MEEL GAARKA WAA LAGA BAXAY”

 

Hadaba waxaa la socon kartaa qeybta 2aad e qormadan taa oo aan idinku soo gudbin doono Waxyaabaha qofka lagaga baahan yahay  marka uu xareenayo Lottery-ga.

Qormadii:

Fetah Ali (Liida)

Fitaax1me@hotmail.com

www.qubanaha.com

 

Saxariirta Soomaalida Eastleigh iyo doorka siyaasad xumada sedex maanlaawe (Dowladda, Alshabaab iyo siyaasiyiinta Soomaalida Kenya) (Qalinkii Maxamed Xaaji).

$
0
0

HAJIGabar dhalinyaro ah oo jaamacad ka dhigata magaalo ka mid ah dalka Soomaaliya ayaan maalin ka wada hadleeynay dhibaatada ku habsatay shacabka Soomaaliyeed ee ay mas’uulka 1-aad ka tahay siyaasad xumida hogaankeenna aan inta badan lahayn aragti fog oo ka madax bannaan ra’yul caamka khaldan eek u saleeysan cideeysiga kala cararku daba joogo markaasay tiri: ‘’Maxamadoow maxaad ugu daalaysaa sababtu waxay tahay dadkii iyo maamulkoodii ayaan waxba aragtiya is dheerayn, marka waa la is ag fadhiyaa oo la is fiirsanayaa’’.

 Runtii hadalkaas ay gabadhu sheegtay markiiba waan u guuxday haatanna waaniga gocday, waxaanan ku lifaaqayaa xaallada dhowaanahanba ka taagnayd xaafadda Islii ee magaalada Nairobi ee dalka Kenya iyo doorka xun ee ay leedahay siyaasadaha wareersan ee dadkii ay ahayd inay u damqadaan dadkaasi dacdarraysan, anigoo mid mid usoo qaadanaya jilayaasha kala ah Dowladda Soomaaliya, Siyaasiyiinta Soomaalida Kenya iyo xitaa Al Shabaab.

1-      Doorka maanlaawe ee Siyaasiyiinta Soomaalida Kenya.!

 Tan iyo bilowgii faragelinta ujeeda badanta ah ee loogu magac daray Linda Nchi ama ilaalinta dalka ee ay Kenya fasax la’aanta ku gashay Soomaaliya 16-kii Oktoobar 2011-kii iyadoo ku marmarsoonaysa islaan laga afduubay gudaha Kenya, balse dad badani fahamsan yihiin in sheekadaasi ahayd mid la jilay oo lagu owrkacsaday ee ay Kenya ku socotay qorshe degsanaa marka la eego waqtiyaynta duullaankan oo ay kusoo beegtay jeer ay sii tabar dhigayeen Al Shabaab.

Hadaba gelitaankaasi wuxuu saameeyn xun ku yeeshay amaanka Kenya mana aha oo qura falcelin ka timid Al Shabaab ee waxaa sidoo kale jira kooxo fursad sugayaal ahaa oo sida ay dad badani dareensan yihiin qaraxyo iyo dilal ku ekeeyay dhulka ay Soomaalidu ka degto Kenya iyo meelaha ay ka joogto Nairobi (Waayo waxaad is waydiin kartaa sababta qaraxyada iyo rabshadaha ku koobay meelaha ay Soomaalidu joogto ee Kenya!?).

 

Anigu malihi waa Al Shabaab iyo maaha toona balse marka aad eegto qaabka loo fuliyo qaraxyada ka dhaca Islii iyo meelo kale waxaad moodaa inaysan lahayn raadkii iyo astaamihii Al Shabaab, waxaa kaloo daliil ah in dhowr mar la qabtay dad Kenyan ah oo wax qarxinaya ama miinooyin dhigaya (Way jiraan Kenyan Al Shabaab ah balse sida aan warka ku hayo qaarkood shuqul kuma lahayn dadka la qabtay).

 Yaa hadaba ka dambeeya qaraxyada iyo qaxarka Islii iyo meelo kale ka dhaca ee Soomaalida loo qabsanayo?

Waa su’aasha ugu adag anna ma doonayo in aan jawaab toos ah ka bixiyo waayo way adag tahay, balse tan xaafadda Islii hadii aan isku koobo dhinac waxaa taagan qoowmiyadda Kikuuyaha oo weligeed ka talinaysay xaafadaasi ilaa iyo intii aysan sanadihii dambe Soomaalidu la wareegin xukunkeeda iyagoo aan dabcan ku farxin inay Soomaalidu uga cod badisay Kamakunji.

 Dabcan meesha kama saarayo markaa inay jiri karaan mu’aamarado ay maleegayaan dadka qoowmiyadaas ah oo sameeynaya boos-qaadasho siyaasadeed si ay xukunkii Islii dib ugu soo laabtaan wax kastaba haku qaadatee waxaanan tusaale usoo qaadan karnaa qarixii masjidka Al Hidaaya lagula eegtay gudoomiyaha Kamakunji.

 Waxaa kaloo ka dambeeyn kara qolooyin wadaniyiin ah oo muxaafid ah oo diiddan Soomaalida kusii badanaysa Islii ee ganacsigeeda gacanta ku haysa, waqtigan ayaana ah waqti kula haboonaan kara inay tillaabo qaadaan, maadaama ay sahlan tahay in Soomaalida dusha laga saaro qarax kasta oo Kenya ka dhaca.

 Waxaa sidoo kale maleegi kara saraakiisha ciidamada dalkaasi Kenya ee musuqu dilooday si loo bannaysto in Soomaalida la ruxo iyagoo deeto woxooga shilimaad ah looga qaado maadaama ay meesha taallo hanta malaayiin dollar ku fadhida.

Sidoo kale meesha kama saarayo ficillo ka iman kara Al Shabaab laftooda, waloow hadii waaqiciyadda loo koco aan la fahmi karin danta Al Shabaab ugu jiri karta dhibaateeynta qaxootiga Soomaaliyeed.

 Hadaba siyaasiyiinta Soomaalida Kenya eedda ay halkan ku leeyihiin waxay tahay in markii hore ay u sacaba tumeen duullaanka Kenya ee Soomaaliya oo ah midka dhibaatooyinka loo aaneeynayo run iyo beenba, isla markaana aysan dani ugu jirin gobolka woqooyi Bari Kenya, walaa Jubooyinka, walaa Soomaaliya guud ahaan (Ogoow Soomaalida Kenya waxaa anfacaya Soomaaliya oo awood leh oo midaysan ee waxba u tari mayso Kenya oo Soomaaliya qaybisa).

 Wasiirka Gaashaandhigga Kenya ayaa la waydiiyay: ‘’Yaa ka dambeeyay dilka dadkii ay ciidamada milateriga Kenya ay ku laayeen magaalada Gaarisa?’’ markaasuu yiri: ‘’Waa su’aal axmaqnimo ah in taasi la I waydiiyo,’’. Hadaba yaa la waydiinayaa hadii aan wasiirka gaashaandhigga la waydiinayn? 

 Haatan oo saameeynta (Domino effect) ay yeelatay faragelinta Kenya ee Soomaaliya oo aan marnaba laga jecleeyn dhanka Soomaalida saafiga ah ee wadaniga ah iyo kalsooni xumida ay dhex dhigtay Soomaalida iyo Kenya ay heer xun mareeyso isla markaana ay ka faa’iidaysanayaan kooxo 3-aad, isla markaana ay Kenya marba kasoo baxayaan warar aan mararka qaar la fahmi karin sidii kii ugu dambeeyay ee la yiri kumanaan kun ayaa garoonka Thika sidii arigii lagu shubayaa ayay siyaasiyiinta Kenya af labadii qaylinayaan iyagoo leh: ‘’Lama aqbali karo in Soomaalida kan la yeelo, in kaas la yeelo’’ balse waa waqti aysan waxba qaban karin oo ay xeero iyo fandhaal kala dheceen (Xitaa arintan waxaa lagusoo beegay jeer lakala diray baarlamanka Kenya si aan looga hadal).

 Siyaasiyiinta uu ka mid yahay Faarax Macalin oo runtii ah nin Soomaalinimadu ku wayn tahay oo codkar ah, aadna ay ugu kalsoonayd Soomaalidu kahor intii uusan faraha la gelin arimaha Soomaaliya oo aan mararka qaar is iri wuu ku yara talax tegey ayaa waxay ahayd inay Kenya talo wanaagsan ka siiyaan inay Kenya ka  fogaato arimaha xasaasiyadda leh ee lagu muransan yahay (Hot potato) ee Soomaalida oo ay ku kula qaybinayso umadda Soomaaliyeed ee walaalaha ah.

 Haatan dhibkii wuxuu haystaa dad masaakiin ah oo markii horaba naftooda iyo maalkooda kalasoo cararay rabshadaha Soomaaliya oo haatan lakala dooransiinayo inay u adkaystaan farataysiga booliiska Kenya, baangadaha tuugada fursad raadiska ah, dibindaabyooyinka ay dad kale maleegayaan, siyaasad xumada siyaasiyiinta Kenya iyo inay xera qaxooti degaan ama ay laabtaan dalka Soomaaliya oo aan weli u haynin fursadaha ay u baahan yihiin sida kuwa waxbarasho, ganacsi, amaan IWM waloow ay rajadu wanaagsan tahay misna weli Faanoole fari kama qodna.

Lasoco Qayb kale…….Insha ALLE…..

 Waxaa Qoray: Maxamed Xaaji Xuseen Raage

Farriin-Danabeed: maxaaji@hotmail.com

Tifaftiraha: www.GoolFM.net

Gothenburg, Sweden

1960-kii Aqoonsi, 2013 Aqoonsi, Kee Baa Sax ah?(Warbxin Xiiso Leh)

$
0
0

aqoonsi21Waxay ahayd in la yiraahdo waxaa dib u soo laabtey Xiriirkii Mareykanka iyo Soomaaliya… ama la yiraahdo: Soomaaliya iyo Mareykanka oo dib Boorka uga Jafey Xiriirkoodii 22 Sanno ka dib… “

- Waxayna ahayd in Madaxweynaha (Soomaaliya) uu si aad ah isaga Fiiriyo erey bixinta , waayo xitaa Laba Dal oo kala Saxiixanayo Heshiis ayaa mararka qaar ku kala Booda sida loo dhigayo Erey Bixinta…..

Soomaalida waxay Tiraahdaa “Ma Anaa Waalan Mise Cadanaa laga Heesayaa” waxay kaloo yiraahdaan “Hasha Maankeyga Gadayee Ma Masaar Bay Liqdey “ Dhamaan Murtidaan waxay ku tusinayaan marka aad wax la yaabtid oo ay Maskaxdaada ku wareerto , marka waxaan Beryahan Maqlayey iyadoo la leeyahay, ”Mareykankaa Aqoonsi ka helney” marka waxaan is weydiiyey Tolow Ma hadaan Xoriyadda Qaadaney waayo Ereyadaan oo kale waxaa la maqlaa marka uu Dal Xoriiyad uu qaato.

“Waxay Garan la’a yihiin Dadka Soomaaliyeed in Dalka Mareykanka uu Dalkooda la mid yahay , waayo Xoriyad Buu qaatey, Adigana Xoriyad baan qaadaney, mar baa la aqoonsadey, Adigana lagu aqoonsadey , Waa Dal ka mid ah UN-ka, adigana waa ka mid tahay , Ergey baa u fadhiya UN-ka Adigana kuu fadhiya, Calankiisaa ka taagan , kaaga waa ka taagan yahay, Safaarad baa kaaga furan Mareykanka , Isagana uga furan Soomaaliya, marka waxay ahayd in la yiraahdo waxaa dib u soo laabtey Xiriirkii Mareykanka iyo Soomaaliya ee Xumaadey markii Mareykanka Soomaaliya looga diley 18 Askari, wax kale nooma Colaadineynin 22-kaa Sanno ee aan ka ahayn Askartaasi laga Diley oo si Xun loogu jiiddey Dariiqyada Muqdisho , balse waxay ahayd in Soomaaliya Tiraahdo 1500 oo Soomaali ah baa naga Dishey ee aan Furno Baal Cusub oo aan iska Ilowno wixii horey aan isugu geysaney ”.

Sida hadda loo dhigayo oo ah in aan aqoonsi helney , waxaa meesha ka baxay wixii Halgan ahaa ee ay dad badan ay Dhiigooda u daadiyeen si Xorriyad aan u helno ,waxayna arintu ku Biya Shubaneysaa in maanta Soomaaliya ay Xor Noqotey oo ah Sannadka 2013, wixii waqtigaa ka horeeyey wixii Halgan la soo marey ay noqonayaan Hal Bacaad lagu lisey.

Hadaba Xoriyada ama aqoonsiga aan maanta helney sida ay ku Hadaaqayaan Qaar ka mid Masuuliyinta Dowlada iyo Saxaafada Soomaalida , Runtii aniga waxaa u qaatey in 22-kii Sanno ee aan ku jirney dagaalada ay ahaayeen kuwa Xornimo doon ah waayo sidaa ayey u dhigmeysaa, marka wixii Gabood falo ahaa ee dhacay 22 kaa Sanno ee aan isku geysaney ama naloo geystey in ay tahay Abaal Marintoodii.

“ Dadka Soomaaliyeed wax ma Hubsadaan oo wixii Saxaafada reer Galbeedka u Meeriyaan oo welibana Saxaafada Soomaaliya ay sii Buun Buuniyaan ayey ku dhaqaaqaan, malaha Aragti ah in ay iska fiiriyaan ama iska Hubiyaan wax loo Meerinayo, waxaana la yaab leh in maanta la abaabulo Banaanbaxyo la leeyahay waxaan aqoonsi ka helney Mareykanka, oo welibana ay la soo taagan yihiin dad Masuuliyad Sheeganaya”ayuu yiri Cali Jaamac oo la yaabanaa dad la leeyahay waxay ka yimaadeen Banaanbaxyo lagu taageerayo “Aqoonsiga Soomaaliya” waxaa uu ku sii darey

“Markaan qaadanay Xoriyada waxaa laga joogaa 53 Sanno marka Dowladdi Rayidka iyo Tii Milatariga iyaga waxay ahaayeen kuwa Ku meel gaar ahaa mar haddi maanta la leeyahay Soomaaliya waxay heshey Aqoonsi, marka aniga waxaan u arkaa in Mareykanka uu na Gumeysanayey Soomaaliya 22-lii sanno ee la soo dhaafey, maanta Afka lala ma taageen in la yiraahdo Soomaaliya waxay heshey Aqoonsi , marka waxaa la doonayaa in si Maskaxiyan ah loo baabiyo Halgamayaashii Soomaaliya sida Axmed Gurey, Sayid Maxamed Cabdulle Xasan iyo 13 Kii Dhalinyarada ee SYL oo iyagu Naf iyo Maal u hurey Xoriyadii aan ka qaadaney Gumeystihii “ayuu yiri Ismaacil Muumin oo ka mid ah Odayaashii u soo joogey Waqtigii Xoriyadda.

“Waxaa Xaqiiqo ah in aan weli ku jirno Gumeysi Dhinaca Maskaxda ah mana garanayo goorta aan ka Xoroobi doono , aad baan ula yaabanahay in dad maanta ku faraxsan yihiin in aan helney Aqoonsi aniga waxaan aaminsanahy in aan weli helin Xoriyadii saxda ahayd waayo waxaa maalin kasta lagu soo Xadgudbaa Dhulkeennii , Baddeennii iyo Cirkeennii waxaana Xoroobi doonaa marka aan la mid noqdo kuwa noo diidan Sinaanshaha dhinaca Ciidamada , Hubka iyo Technology-da Casirga ah , laakiin inta lagaa hortaagan yahay arrimahaasi weli Xor ma tihid , waxaa ku jirnaa Khiyaali iyo nolol u dhaxeysa Geeri iyo Dhmasho”ayey tiri Xaawo oo ka mid ah Aqoonyahanada Soomaaliyeed oo intaa Raacisey sidan:

“Waa wax laga Yaqyaqsoodo in maanta la yiraahdo Waa nala Aqoonsadey oo dib naloo Celiyo, Mareykanka Aqoosigiisa waxaa uu la mid yahay waan Socon weyney ee aan Orodno , Xaqiiqdii intii aan ku Jirney Dagaalada Dowlado ayaa marnaba ka bixin Dalka weliba Safaaradahoodii kuwaas oo Soomaaliya la qaybsanayey Dhib iyo Dheef, waxaan ka mid ahaa Safaardahaasi Liibiya, Suudaan iyo kuwa kale oo weliba nala joogey Xilli Xaaladu adag tahay , marka kuwaa baa abaal weyn nagu leh , waxayna Raxawen Tiraahdaa “Abaar Baxaasee ,Ceebaa Dhaafaase “oo ah Abaar waa Baxeysaa laakiin Ceeb bay Dhaaftaa ama ka tagtaa , marka Qofkii kuu soo Gurman waayey Xiliga aad dhibaateysan tahay Aqoonsiga maanta uu ku aqooonsadey waa mid Qosol ku jab ah, marka Soomaalida waxaan leeyahay nin wax ku tari waayey 22-kii Sanno ee la soo dhaafey oo welibana Dagaal kuugu hayey dhinac kasta ah waxba yaan laga sugin , waxayna arrintu la mid tahay”Nin ku Diley Har kuuma jiido”ninkii is lahow Mareykanaa aqoosigiisa ayaa Barwaaqaa la Durduuran doontaa Sakiin Liq”

Guntii iyo Gabagabadii Dadka Soomaaliyeed Wali waa Nool yihiin , Ciidda Madaxa waa ka Ceshedeen , Sidaa Darteed weli dadka Soomaaliyeed ma fahamsana Dhagarta Reer Galbeed ee ay Dejisteen waqti hore ,waxaa Xaqiiqa ah in aan si dhab ah u Xoroobin Xoriyadii aan qaadanayna 1960-kii waxay ahayd mid aan Dhameystirneyn oo Muuqoodii baa naga tagey waayo iyaga keliya ayaan Hub Sameysan kara , iyaga ayaa Adduunka ugu Ilbaxsan , iyaga ayaa Harumar gaari kara marka waxaana leeyahay Dadka Soomaaliyed isku tashada oo iska daaya hadba waxa la idiin Meerinayo ee ay soo Gudbinayaan Warbaahinta Reer Galbeedka Mideenana ay Faafinayaan oo had iyo jeer Jeebka kala soo Baxa wax iyaga Dan ugu jirto.

Haddi ay run sheegayaan waxy dhihi lahaayeen Soomaaliya Waa Dal Madaxbanaan oo Xoriyadiisa Qaatey 1960-kii ee Ereyga Aqoonsiga ee aan Shafka ku soo qaadanay,waxay ahayd in Madaxweynaha uu si aad ah isaga Fiiriyo erey bixinta ,waayo Laba Dal oo kala Saxiixanayo Heshiis ayaa mararka qaar ku kala Booda sida loo dhigayo Erey Bixinta ,waxayna ahayd in la yiraahdo”Soomaaliya iyo Mareykanka oo dib Boorka uga Jafey Xiriirkoodii 22 Sanno ka dib ” ama la yiraahdo Mareykanka oo wax ka Badeley Go’aankiisii hore ee Soomaaliya.

Hadaba Su’aasha isweydiinta Mudan waxay tahay 1960 Miyaan Aqoonsi helney mise 2013-ka .

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinKhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

LUUQAD DALKEEDII KU DAYACAN((Qalinkii Maxamed Xaaji)

$
0
0

NationalMarka laga hadlayo jiritaanka dhaqan ay bulsho yeelan karto waxaa ugu horreeysa ee muhimka ihi waa luuqadda oo ah baaq-sidaha iyo dhaqan-sidaha umad kasti leedahay, hadii aad tusaale dheeri ah jeclaan lahayd eeg dalalka maanta ku hadla luuqadaha ay ka dhexaleen gumeysiga oo maanta baaba’ dhaqan iyo mid taariikheedba taagan.

 Maqaalkan waxaan jeclaan lahaa inaan ku iftiimiyo waxyaabo loo laalaabtay oo aniga iyo intii ila mid ihi ay u arkaan talo xumo meel kaga dhacaysa AFKA HOOYO ee Soomaaliga ah oo aad mooddo inay halis ku hayaan luuqado badan oo ay Soomaalidu qurbaha kala soo noqotay, iyadoo haatan boorarka xitaa Af Ingiriisi lagu qoro.

 Taasise waxay ahayd mid ka imanaysay shacabka oo had iyo jeer hoga tusaalayn iyo baraarujin uga fadhiya dowladooda, balse nasiibdarro markii ay dowladii soo noqotay ayay sheekadii u ekaatay ‘Ka daroo dibi dhal’ marka mowduucan la eego.

 Dowladda Soomaaliya oo haatan u muuqata mid si rasmi ah u caga dhiganaysa ayay ka muuqataa inaysan ilaa haatan sameeynin dhaqaaq ku aadan badbaadinta, boor ka jafidda iyo dib u barbaarinta afka hooyo balse mararka qaar waxaadba mooddaa inayba bad kusiii rideeyso, waxaa laga yaabaa inaad is waydiiso sababta aan sidaa u leeyahay.

 Anigaa kuu hayee, marka hore waxyaabaha cajiibka ah waxaa ka mid ah in waraaqaha kasoo baxa dowladda (oo ay xitaa kujiraan kuwa loogu tala galay warbaahinta Soomaaliyeed) in badan oo ka mid ah oo Af-Soomaali ku qoran qaybta hoose looga xiro Ingiriisi sida General Secretery, Media director of the president, PM, MN, IWM, magacyada laftooda qaab Ingiriisi ah ayaa loo qorayaa mana la fahmi karo baahida keenaysa.

 Waxaad is waydiin kartaa sababta keenaysa qofku jagadiisa iyo magiciisa Ingiriisi ahaan u qoro dulucdii kale ka badneeydna uu Af Soomaali ku qoro, waxaan u qaatay micnaha qorshe ayaan jirin ku salaysan waxa la ogol yahay iyo waxa aan la ogoleeyn ama waxaan la dareensanayn mas’uuliyadda adag ee dowladda ka saaran ilaalinta dhaqanka iyo afka hooyo.

 Waxaa intaa dheer ahna kuwa ugu daran ee aan la yaabay, waxaa dib loo dayactiray oo la howlgeliyay qaar ka mid wasaaradihii iyo wakaaladihii dowladda waana runtii howl wanaagsan oo muujinaysa dowladnimo rasmi ah oo soo carfeeysa.

 Balse in magicii wasaaradda ama hay’adda lagu qoro Ingiriisi iyadoo hoos loo dhigayo qiyamkii luuqadda hooyo oo kaalinta 2-aad, 3-aad la gelinayo, meelaha qaarna aanba lagu xusin sida taargada gawaarida ee cusub waa su’aal hortaalla dowladda Soomaaliya oo xal deg deg ah u baahan.

Dalku wuxuu ku jiray 21 sanadood oo burbur dhah waxyaabaha in si deg deg ah lasoo nooleeyo u baahanna waxaa ka mid ah afka hooyo oo aad mooddo inaysan dadka qaarkood u kala cadeeyn muhiimadda uu dalka u leeyahay.

Waxyaabaha aan la yaabay waxaa ka mid ah dad ku leh eraygaas Soomaaliga ihi wuu nagu adag yahay ee fududee waa sax in wax la fududeeyo lkn waa khalad inuu qofka Soomaaligu ku dadaalo luuqado kale (xitaa Shiineeys iyo Finish waan baranay) hadana uu baylihiyo ama bahdilo tii uu u dhashay isagoo aan u quurin inuu inyarba Allaha ka dhigee uu isku dayo inuu barto dowladduna maaha inay iyana jidkaa jarribka badan qaaddo oo ay khalad istaraatiji ah ku sameeyso luuqadda qaniga ah ee Soomaaliyeed.

 Waxaa Qoray: Maxamed Xaaji Xuseen Raage

Farriin-Danabeed: maxaaji@hotmail.com

Tifaftiraha; Gool FM.net

Dhacdo La yaab iyo Amakaak leh oo lagu arkey Wadanka Sacuudiga.

$
0
0

amiinHaddii ay aad Maqli jirtey Dad Soomaali ah baa Madaxfurasho loogu Haystaa Liibiya, Koonfur Afrika , Yaman, Koofurta Suudaan, Kenya , Musaambiik, Tansaaniya, Angola, Zaambiya iyo Wadamo kale , waxayna dadka Soomaaliyeed Madaxfurshadaasi ku bixiyaan lacag aad u fara badan, si loo siidaayo la Haystayaasha , iyadoo taasi jirto ayaa dhacdo la yaab leh waxaa laga soo Calaamadeeyey mid ka mid ah Wadamada ugu Xasiloonida badan Dunida oo aan laga fileyn in Dhacdo Noocaas ah ka Dhacdo.

“Anigaa ku jira Goob laga Xawilo lacagaha ayaa waxa ii so galey Haweeney aan si wanaagsan isku Garaneyney ,markaan iska qaadney Salaantii ayey Xoogaa Afka Moroojisey , markaas baa ku iri “ Hooyo Sidee waxa u jiraan , Markaasey igu tiri “iska aaamus wax la yaab leh baa soo kordhey,waxay sii daba dhigtey Tanina ma ii Harsaneyd ,reer Xamarka ayaa yiraahda “Cimrigaada oo Dheeraaday Geel Dhalaa ku Tusiyaa”

Inta soo fariisiyey ayaa isi hoose u iri “Hooyo maxaa dhacay , markaas baa iri “ Ma yara waxa kaa yaabiyey ee Hooyo ii waran “ Markaas bey tiri “ Nin aan yaabin ayaa ku leh waa yaabey” waxay sii raacisey “Ma fududda waxaan maanta i keeney Xawaaladaan” Markaas baa ku iri “Sow hore uma imaan jirin “ Maya ..Maya oo Maxay yihiin waxa maanta halkaan ugu soo Muraadeey waxayna tiri.

Wiilkeygii oo Sacuudiga Jira ayaa Xaley i soo wacay markaasuu yiri “Hooyo waan Xiranahay,marka waxaa la iga rabaa Lacag MadaxFursho ah? Markii uu Wiilka hadalkaasi i yiri “ Taleefoonkii baa tuurey oo aan iiri “Hoogayeey .. Hoogayeey .. Hoogayeey , ma maantaa Sacuudigii ka bilaabantey in Soomaalida lacag Madaxfursho looga qaato walee waa yaab”

Waxaa weydiiyey Hooyo Lacagta Madaxfurashada ah waa imisa . waxay ku jawaabtey waa “Sideed Boqol oo Doolar” .waxaan sii weydiiyey oo Hadii lacagtaasi la bixiyo ma la siideynayaa Wiilka “ Waxay tiri “haa”waxay sii raacisey Isaga keligiis ma aha waa dhowr Qof oo loogu hanjabey in haddi aysan lacagtaasi bixin Tarxiilka lagu dari doono”

Hooyo Wiilka ma weydiisey Cidda ay u xiran yihiin oo Madaxfurashda ka dooneysa,waxayna ku jawaabtey “War waa Soomaali iyo Sacuudiyaan isku jira arrimaha noocaan oo kale ka bilaabey Sacuudiga “ Hooyo maxaad u oran weydey Wiilka Tarxiilka ii soo raaciya inta aad bxin lahayd lacagtaas faraha badan “waxay tiri ‘ Hadda ayuu Saucudiga galey marka Calaacalkii buu igu badiyey marka waan ku qasbanaadey in aan bixiyo lacagtaasi “

Waxaa weydiiyey armuusan Xirneyn oo uu Lacagta si kale kaaga doonayaa.waxayna ku jawaabtey “ Waa wax dhici kara ,Wiilkeyga Run baan ku aqaaney u maleyn maayo in sidaa wax ku raadinayo,marka dadka Wiilkyeyga haysta waa Soomaali iyo Sacuudiyaan iyagaa ila soo Hadley mid af Soomaali buu ku hadlayey,waa kii noo kala Dab qaadayey midna Afka Carabiga ayuu ku hadlayey, aniga kiligeyga maahina dad baa Wiilkeyga la xiran oo Madaxfurasho laga doonayaa”

Laba maalmood ka dib ayaa Hooyadii wacay waxaan ku iri “ Wiilkaadii ma laguu soo daayey “ waxay tiri “Hooya haa.. waa la ii soo daayey , waa Ilaah Mahadii haddi Wiilkeygii Xoryahay , waxaan Dowlada Sacuudiga ugu baaqayaa in arrimaha Sacuudiga ku soo kordhey ay wax ka qabtaan oo Baaraan, maadaama ay tahay dowlad aan ogoleyn dhacdooyinka noocaan oo kale ah.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

Iska illow Wixii Dhacay, Billow Nolol Cusub! C/risaaq IndhaJaceyl

$
0
0

IndhoNolosha Adduunyada waa iska qariib (nolol-gaaban), isla daqiiqadda aad Uurka Hooyo ku beerantid, ayaa ALLAAH {SWT} kuu kafaala qaadayaa noloshaada adduun iyo midda Aakhiro, balse adigaa lagaa doonayaa inaad qaadid wadiiqada wanaagga kugu hogaaminaysa RABBINA Raali gelinaysa.

Dunidan sideedaba waa imtixaan natiijadiisa aad heli doonto Maalinta Yowmul Aakhira ee aan jirin cid qareen kaaga ah ALLE {SWT} agtiisa, waa adiga iyo ALLAAH, Malaa’iigta Garbahaaga saaran ee loo idmay inay kala soocaan wixii camal ah oo aad samaynayso samaan ama xumaan intaba ayaa sidoo kale kugu marqaati furaya.

ALLAAH {SWT} Qur’aankiisa Muqadaska ee Kariimka ah waxa uu ku leeyahay *Jinni Iyo Insi Midna Ma Abuurin Ilaa inay i Caabudaan Mooyee* caabudidda iyo weyneynta ALLE waxaa barbar socda nolol islaami ah oo lagaa doonayo in Umadda Islaamka ahi aad kusoo biiriso caruur xagaaga ka timid oo wax tar u leh Dadka iyo Dunida Muslimka ah hadii uu RABI kugu arzuqo dhallaan xalaal ah.

Waxaad arkaysaa had iyo jeer Dhallinyaro Soomaaliyeed (Wiilal/Gabdho) oo ay ku adag tahay inay ka tanaasulaan oo ay illaabaan arrin horey usoo martay, islamarkaana lagaba yaabo in dhacdadaasi hore iyo xanuunka ay ku reebtay darteed ay ku noolaadaan nolol keli-noolaansho ah oo muraayado madow (Pencel) lagu dahaaray.

Waxaan taa ula jeedaa, waxaa jira Dad ay nolosha adduun Buundo xun la kortay (Nasiibku uu ka hiiliyey) oo ay la rogmatay rajo ay ka lahaayeen nolosha adduun, sidaasi darteedna ayba ku adag tahay inay dadka kale ee asaagooda ah wax la wadaagaan oo ay u ololeeyaan nolol cusub, iyagoo maanka ku haya wixii horey usoo maray.

Bal eeg tusaale gaaban, waxaa dhici karta Lamaane Jaceyl-wadaag ahaa oo waqtigii ay mideyn lahaayeen noloshooda ay caqabado baas hareeyaan mustaqbalkooda, taasina ay kalifto kala tag iyo tafaraaruq muddo gaaban ku dhasha oo kala geeya nolol isku dhuux noqotay, waxay taasina dhalisaa in dadka qaar ay waali ama inay isla hadlaan bilaabaan, ama ayba go’aansadaan inaysan nolol kale samaynin, sidoo kale Lamaanaha qaar marka ay is guursadaan ka dib ayaa waxaa asiiba nabaro-awlaad la’aan ah oo ALLE {SWT} agtiisa ka ahaatay, qaar baa kala taga maadaama aysan Ubad kala halaynin, qaarna way isku cimri-dhamaystaan intay nafta ku jirto.

Culumada cilmiga u saaxiibka ah, ayaa hadaba ku doodaya in haddii muddo sanooyin ah aysan wax awlaad ah imaanin, ay wanaagsan tahay in Lamaanahaasi ay qalbiyadooda oo saliim ah kala-tagaan maadaama ay dhici karto in hadii ruux ka mid ah Labadaasi qofood uu guursado ruux kale oo cusub uu ILAAH {SWT} u sahlo awlaad kheyr qaba oo abaalkooda guda.

Sanad ka hor qiso cajiib ah ayaa jirtay, dad-jaceyl wadaagay oo muddo 35-sano ah awlaad isku dhalin, ayaa si nadiif ah isku furay, Haweeneydii ayaa nin kale guursatay oo nolol cusub gashay, islamarkaana durba Laba mataano ah ka booday, aad ayey ugu faraxday ilmaheeda, seyigeedii horana xaafadda ayuu kusoo booqdaa hadda caruurtaasi isagoo sida awlaadiisa dhabta ah u koolkooliya oo korimadooda kaalin miisaan leh ku leh.

Hadaba tusaalahaasi wanaagsan waxa uu kugu hogaaminayaa in wax walba oo kusoo maray aad ka tanaasuli kartid si aad u bilowdo nolol cusub, balse haku fakarin hadalada qalafsan ee dadka qaar kaaga imaan kara marka ay musiibo adduun ku asiibto ee ALLE (SWT) talo saaro oo bilow nolol cusub, adigoo buuga qalbigaaga ka jeexaya Boggii ay ku xariiqnaayeen wixii horey u dhacay.

C/risaaq IndhaJaceyl

Daauus1@gmail.com

Ma saaxiibnaa Hooyo? (Maqaal Xiiso Badan)

$
0
0

hooyo_ubadWaxaan la hadlayaa  hooyo walba  oo jecel gabadheeda, hooyadu mala socotaa inay gabadheeda u tahay  tii ay ku dayanaysay,. hooyada wanaagsani waa tan  ay gabadheedu kaga dayato wanaaga, waa tan  wanaaga u horseeda, aan su’aal ku  waydiiyo hooyo gabadhaada saaxiib mala tahay?ma siisay gabadhaada kalsooni buuxda taasoo u horseeda  inaysan waxba kaa qarin, inaad noqoto tii ay  sirta ku qarsan lahayd  tii ay kala sheekaysanaysay  una sheegaysay wixii ku soo kordha  nolosheeda  dhan walba..

Ma la socotaa  hooyo gabadhaada markaad la saaxiibto inaad ka badbaadinayso inay ku dhacdo dabinka saaxiibada xun xun.ma ogtahay hooyo gabadhaada markaad siiso naxariis, jacayl, koolkoolin, inay ka maarmayso  wiilasha ku sira  jacaylka beenta ah, waayo uma oomana jacayl dhalanteed ah ee waxayba haysataa  jacayl dhaba,ma ogtahay hooyo in saaxiibtinimada gabadhaada ay ka dhigan tahay  adoo ku guuleystay  amaanadii gacantaada ku jirtay inaad uga soo baxday sidii ku haboonayd iyo  adoo waajibaadkaagii sidii la rabay u gutay,  waxaan ognahay in gabadha jidkii toosnaa ka leexata ee dariiq qaldan marta  aan kaligeed lagu eedayn jidkaa qaloocan ee ay qaaday  laakiin  dhaleeceyntu soo gaarayso hooyadii soo korisay iyadoo la leeyahay gabari waa hooyadeed, ama hooyadeed ayaan si fican u soo tarbiyeyn, waxaad siisaa gabadhaada kalsooni  heer ay gaarto inay wax walba kaala hadli karto iyadoon kaa baqeyn  niyadana ku haysa  inaad tahay tusaalaheedii koowaad  iyadoo mar walba kaa fileysa  inaad siiso talo iyo  tusaalooyin wax ku ool ah.

Hooyada  gabadheeda la saaxiibta   iyo hooyada gabdhadeeda  aan la saaxiibin maxay ku kala duwan yihiin?

Hooyada gabadheeda saaxiibka la noqota waxaa lagu yaqaan  inay tahay mid  gabadheeda kala sheekaysata wax walba,  gabadheeduna u sheegato waxay damacsan tahay, waa hooyada  khibradeeda ku kordhisa gabadheeda. waa hooyada  gabadheedu kala hadli karto  wax walba  hadii waxaa ay kala hadashay ay u  aragto  hooyadu  wax  aan fiicnayn ku baraarujisa oo ka waanisa iyadoo sidii saaxibteed ula hadlaysa. waa hooyada gabadheeda u sheegta waajibaadkeeda diineed iyo aduuneedba, waa hooyada gabadheeda ayna kala xishoon  inay u sheegato arimaheeda  gaarka ah sida   waxay damacsan tahay mustaqbalkeeda waa hooyada ku qanacsan  inay  tahay   hooyo macaan iyo saaxiibad qaali ah labadaba …

Hooyada gabadheeda aan la saaxiibin..

Hooyadani waa mid mooda inay gabadheedu uga baahan tahay kaliya  korin ilaa ay ka weynaato. waa hooyo  dhan walba inay ku fican tahay ay dhici karto  laakiin aan aaminsanayn saaxibtinimada gabadheeda, waa hooyo marka gabadheedu ku soo qaado  arimaha qaar   xuubsata lana soo booda maxaad ku hadashay Naa isku xishoo oo wax isku fal  gabar baa tahee! iyadoon  ka dhaadhicin una tilmaamin  xishood la’aanta ay sheegayso waxay tahay, waa hooyada gabadheedu ka qarsato wax yar iyo wax weynba,waa hooyada  gabadheedu ka jeceshahay saaxiibadeed(maaha jacaylkii hooyanimo) waa hooyada  gabadheedu  markeey saaxiibadeed la joogto  lala cajabo farxadeeda, sheekadeeda, qosolkeeda,  iwm markeey gurigooda timaadana la moodo inay soo gashay Xabsi isku soo wada duuboo waa hooyada  aan qiimeyn saaxiibtinimada  gabadheeda.

W.Q:Najma Saciid

www.qubanaha.com

najma@khadijahome.com

KhadijaHome.


Muqdisho haatan ma maato koris mise maata kadis?(Faallo)

$
0
0

MuqdishoIn badan ayaa la dhowrayay in mar un indhaha laga qaado muqdisho oo ka gudbeysa gadaal u socodka ay asaageed kaga hartay iyo burburkii ay sanadaha uga tilmaaneyd caasimadaha dunida

In nidaamkii Xamar uu si buuxda u soo laabto ayaa leysku raacsanaa in ay nabada oo soo laabata ay udub dhaxaad u tahay waxana ,ay ahey”d tilaabo sababtay doonto haku timaadee lagu guuldareystay in badan in mar un laga guul gaaro

hada Soomaaliya waxa kajirta dowlad rasmi ah aqoonsina ka heysata caalamka Muqdishana si dhameystiran ayay gacanta ugu jirtaa dowladaasi in kastoo xaalada ay weli tahay mid lagu tilmaami karo socod barad ah

muuqaalada muujinaya dowladnimada Muqdisho kasoo bidhaameysa ee shaashadaha laga daawado ayaa soo jiitay indhaha soomaalida laqabsaday nolosha qurbaha waxana ay bilaabeen in si xowli ah dalka ay ugu soo laabtaan

ma aha kaliya inay u yimaadeen inay dalka ku noolaadaan balse waxa ay bilaabeen tartan ganacsi oo waayahaan aan dalka kajirin waana tilaabo ay xaq u leeyihiin

hormaradii lagu haminayay ayayna qeyb kanoqdeen balse nimco walibaa nusqaan lehee nabada soo laabaneysa ayay dadka qaar ula muuqatay inay u darantahay dadka dhaqaala ahaan aad u liita oo ay nolosha ku dhibtoonayaan

waxyaabaha magaalada ku soo biiray waxa kamid ah baarar iyo maqaayado looga cunteeyo qofkiiba lacag u dhaxeysa 30,Dollar ilaa 50,Dollar waxana, la ii sheegay inay tahay heer aanay weli gaarin maqaayadaha dalalka galbeedka

waxaa kale oo Muqdisho hada kajira hoteelo qeybohooda gaarka ah ama VIP habeenkiiba looga seexdo lacag dhan 4,00 Dollar

Hoteeladana waa ganacsiga ugu weyn ee ay Qurba joogta muqdisho uga dhax tartamaan iyadoo todobaadkiiba ugu yaraan labo hotel xariga laga jaro

waa ganacsi malaha dadka dibada kayimaada lacag kadhigis loogu sameeyo taana dhaqaalo yahano ayaa ku tilmaamay inay tahay lacag dalka soo galeysa oo faaiido u ah laakiin dhibka ay soo kordhisay ee la ogaaday waxa kamid ah in milkiilayaasha hoteeladii iyo maqaayadihii jabnaa ee dadka qorax joogta ah ama aan qurba joogta aheyn ay isticmaalayeen in iyana qiimo koror lagu sameeyay si asaagood qaaliga ah ay u beegsadaan

Hooyo Muqdisho ku nool ayaa ii sheegtay in biilkii maalinlaha ee qoyskeeda uu hada isbedelay ayna kawalaacsantahay waxa ku soo socda

midba wax kadarane si lamafilaan ah ayaa loo riday sarifka Dollarka iyadoo qiimaha raashinka aanu isdhimin sababaha ayaa qofba uu sheegayaa mid gaar ah

dadka qaarbaa leh waa kulanka dhaxmaray madaxweynayaasha Mareykanka iyo Soomaaliya qaarna waxa ay leeyihiin waa Dollarka dalka xad la ,aanta u soo galaya dowladana warkan wuxuu u soo gaaray sida ay shacabka u maqleene waxana ay ku tilmaantay in dhibka uu ka yimid shilin Soomaaliga isagoo  sii yaraanayay hadana qaar badan ay ku gubteen Boosaaso

laakin dad arintan u kuurgala ayaa si hoose noogu sheegay in mushkilada ay kasocoto dhowr ruux oo ah sariflayaasha ugu waaweyn kuwaasi oo ku heshiiyay in markii ay doonaan ay xaalada sidaan u kiciyaan waxana layaab leh in mushkiladan Muqdisho hada haysata aanay laqabin inta badan gobalada iyo magaalooyinka kale

 

dhamaan dhibaatooyinkan isbiirsaday waxa markii ugu horeysay taariikhda ay horseedayaan in dadka ku dhow labada Million ee Muqdisho ku nool inay hada ukala baxay labo qeyb oo nolosha ah waana dabaqadaha sare iyo mida hoose

waxana halkaa kabaxaya dabaqadii dhexe oo bulshada inteeda badan ay ku mideysneyd Prof.Mahad Maxamed Sheeq Xasan waa hormuudka kuliyada Dhaqaalaha ee Jaamacda SIMAD

Nabada curdunka ah ee weli ku xeran qoriga caaradii ee Muqdisho ayaa laga cabsi qabaa in ciriiriga nolosha ah ee ay galayaan dad badan inay  Qatar ku noqdaan

Muqdisho ayay mudo dheer dadka kuwada noolaayeen oo agu tilmaamayay maato koris qof waliba ay nolosha ugu saamaxeyso laakiin hada waxa lagu tilmaami karaa maato kadis una baahan in si cilmiyeysan loogu kaashado dhaqaaloyahano xaaladan hadaanta ku socota daba qabata

Waxaa diyaariyay Faaladan Wariye Yuusuf Axmed Abuukar (Keynaan )

Sudan: Indhoole Soomaaliyeed oo Shahaadada Master Degree-ga Qaatay.

$
0
0

indhool2Maxamed Axmed Maxamuud oo Dadka u yaqaanaan (Maxamed Indhool) waxaa uu ku dhashay Indhoolanimada, hasa yeeshee waxaa uu u istaagay sidii uu dadka kale uu ula mid noqon lahaa waliba dhanka Waxbarashada.

indhool2Maxamed waxa uu Bachelor- kaga soo qaatay Magaalada Muqdisho,kadibna Shahaadada Masterka ayuu hadda ka qaatay Jaamacad ku-taal Dalka Sudan oo lagu magacaab International Ifriiqiya University waxaana dhacdey in markii uu codsiga u gudbistay Jaamacadda ka Caga jiiday iyadoo is leh qof Indhoole ah wax ma Baran karo marka laga reebo Jamacadaha Indhoolayaasha loogu talagalay ee uusan la dhigan karin Arday indha qabta, Laakiin markii dambe way u ogalaatay waxa uuna noqday ama Jaamacadda uga baxay Darajada Masterka Imtiyaaz oo ah kaalinta 1aad ee Jaamacaddaha, ayna yar tahay inta uga qalin jabisa.

Maxamed waxa uu Jaamacadda iyo Casharada usoo xaadiri jiray si caadi ah, in kastoo marka uu doono in uu casharka ku ceshado oo qof Asxaabtiisa ah ka codsanayay in uu u akhriyo isagana waa uu xifdin jiray. Imtixaankana marka uu galayo waxaa loo qaban jiray Macalin u akhriya Su’aalaha Warqada Imtixaanka ku qoran isagana waa uu ka jawaabi jiray isla Macalinka ayaan u qoraya mar kale jawaabta .

Maxamed waxa uu noqday inta la ogyahay Ninkii ugu horeeyay ee Soomaaliyeed ee Indhoole ah oo qaata Master Degree oo aysan jirin cid ku haysata kaalintaas. Waxa laga yaabaa Maxamed isaga oo Indhoole ah in Maanta Kumanaan ama Malaayiin indho qabta ayuu ka Cilmi badan yahay. Waxa uuna rajeenaynaa Maxamed in uu Cilmigiisa Dadka uga faa’ideeyo uuna noqdo Macalin wax ka dhiga Jaamacadaha Dalkeena Hooyo ee Soomaaliya.

Maxamed waxaa uu wax ka dhigaa Dugsi ay wax ku bartaan Dadka Indhoolayaasha ah , oo ay Maalgeliso Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud , waxaa la filayaa in uu Dhawaan Shaqo ka helio mid ka mid ah Jaamacadaha Muqdisho, Maxamed marka uu marayo Wadooyinka Muqdisho Cid la socoto ma jirto , waxaa uu wataa Ul loogu talagaley dadka Indhoolayaasha ah. Sidoo kale waxaa uu istcimaalaa Computer-ka loogu tala galey iyana Dadka Indhoolayaasha ah ,isagoo Cidna hagin ayuu Tagaa Sanduuqiisa ee E-Mail-ka

W/D Maxamed Cabduqaadir
Sudan University

Fariin ku socota Dadka Dega Gobolada Jubooyinka iyo Gedo.

$
0
0

jubooyinkaWaxaan taageeraynaa isla markaasna si aan hagar lahayn u soodhawaynaynaa dhawaaqa iyo kacdoonka ah in G/Jubbooyinka maamul iyo nadaam iyo kaladanbayn loosameeyo.

Waxaana soodirnay Gudi xaqiiqo raadis ah waxa dhabta ah oo meesha kajirana soocadeeyo gudigaas waxaa Hogaaminayo dr Abdiqani Sh Cali Diini Waxaana Cadaynaynaa in ay wakiil buuxdo nagayihiin, Sade iyo soomaaliwaynbo maanta waxay ubaahantahay nabad Waxaa layiri tuke caanaha waa arkaa laakiin madhamo , mudanayaal iyo warwooyin alle aan ka baqno 22 Sano ayaan dabo taagnay kuwo aan nadaam iyo maamul midna noohorseedayn halaag iyo bubur baan kaqaadnayd.

Waxaan mar labaad cadaynayna mowqifkanaga ku aadan gedo iyo jubbooyinka in maamul buuxo loosameeyo dadkana waxaan ugu baaqaynaa nabad iyo nolal iyo qabyaalada iyo nin jaclaysiga oo lagatago, Mudanayaal iyo Marwooyin, waxaan filayaa inaydaan ka garasha liidan dawacada garatay inay dhegta u raariciso dawacada kale dhawaaqeeda, oo aad dhagaysataan dhawaaqa bulshadiina.

Haddii aan dulmaro wixii dhibaato soo gaarey ummaddii soomaaliyeed khaasatan Gobalada jubooyinka iyo Gedo

labaatan iyo labo sano ah, gaar ahaan bulsho weynta iyo danyarta waxyaabaha aan haddeer ka xusi karo waxa ka mid ah:

Wax kasta oo ummadi ku noolaato kuna naalooto in ay waayeen kana burbureen.

Barakac,burbur,iyo hoy la’aan qabsatey intii ka soo hartey dhimashada.

Dhimashada ka sakow, dhaawac daawo la’aan ugu le’dey duurka

Dhaqan burbur ku habsaday guud ahaan ummaddii Soomaaliyeed Burbur baahsan oo ku habsadey dhaqankii,hiddihii iyo sharaftii Beeshaan lahaan jirtay guud ahaan iyo gaar ahaanba.

Mooraalka dadka da’da yar oo dhammaantood intii ka soo hartey xabbada in ay u hanqal taagaan in ay mar uun ka baxaan wadankoodii hooyo oo aan wax rajo ah ka soo jedin.

Dadkii u qaxay wadamada dibadda oo dhaqan guur iyo diintii iyo hidihii wadankooda hooyo ka xuubsiibtey,isla markaana wata dhaqamo shisheeye.

Da’yarta hadda joogta gudaha iyo dibadaba oo aan hadeer garan Karin qiimaha wadankooda hooyo iyo dawladnimo midna. la,

Arimahaas iyo kuwo kaloobadan oo jiro ayaa nagu kaliftay in aan go,aan ku gaarno dadkayagii iyo dalkayagii in aan usoogurmano si aan dhibaatada ku habsatay wax ugaqabano inshaa allah

Talosoojeedin

1.waa in ladhisaa maamulka jubbaland iyada oo aan cidna loodabo fariisan dibna aan loodhigin:

2:waa in cidkasta oo wax sooqoratay waxbay qarsanayaan aan cudurdaar lagadhiganin oo madasha la iskugutago wax cusubna la islaqaato

 3:waa in aan cudurdaar laga dhiganin gobalka xor ma ahayn war xagee xar ah ma xamarbaa xor ah baydhabo miyaa xor ah ?dad maamul leh ayaa wax xoreeyo oo hogaan leh .

 4:In alle lootoobadkeeno si dhab ah la iskuna dhiibo

Walaaleyaal kuwa sheeganayo mas,uuliinta maantana ku andacoonayo in aan maamul lasamayn iyaga oo mar marsiyo ka dhiganayo xorma ahan gobalada waxaan leeyahay dadka hajawareerinina hadad xalkeenaysaan 22sano ayaan idin dabataagnane godna aad nagu gurdayseyna, hadad kawaydeen dantiina dadka ka hortaga.

Shacabka rer jubbaland waxaan leeyahay war hoy nin xilrabo yuusan idin lugoynine fadhiga kakaca oo nadaam iyo maamul sanaysta nin mushaarqaatay ilmihiisa ayuu kukorsan laakiin nabada iyo nadaamka dadka oo dhan baa kunoolaado

Waad mahadsantihiin
Gudiga kacdoonka iyo Nadaam raadinta Jubbooyinka iyo Gedo

1:Col Hussein Mohammed Abdille Bikolo

2:Eng Ali Jaamac Hussein Ali dheere

3:Nabadon Badal Ahmed Warsame

4:Abukate Abdikaadir Mohamed Tahliil

5:Dr Ahmed mohamuud Ilkadheere

6:Gudoomiye Maryan Sh cali

7.Nabadoon Gaboobe Cali hiirad

8.Ahmed Shirre C/laahi Taray

9:Nabadon C/rizaq Mohammed Barqadle Kali

10:Dr sh Ahmed Ibraahim

11:Cabdicasiis ahmed Warsame Gudoomiya ururka dhalinyarada Denmark

12:Nabadoon Hundubay Caanood

13:Col, Cumar Xaashi

14, Dr Abdifitax Adan Timajilic

15, Sugow Faaqid

Intaas waa gudiga kumeelgaarka ee yurub

www.qubanaha.com

IXIR AMA I DIL, WALLAAHI MA AAMUSAYO… !! (Qormo Xiiso Leh)

$
0
0

dalmarMa aha wax ku cusub dhegaha shacabka Soomaaliyeed in saxafi lagu dilo ama lagu dhaawaco gudaha dalka Soomaaliya, iyadoo qorshaha laga leeyahay dilka wariyeyaashuna ay tahay caburin iyo in la aamusiyo saxaafadda Soomaaliyeed si loo waayo cid ka hadasha xaqiiqada dhabta ah ee ka jirta Soomaaliya.

Tan iyo sanadkii 1991-kii, dilka saxafiyiintu waa uu soo taxnaa, xilligaasoo dalku uu ku jiray fowdo iyo burbur, waxaana guud ahaan dalka Soomaaliya wax iska caadi ah ka noqday dilalka, dhaawacyada, handadaada iyo gabood-falka loo geysto wariyeyaasha Soomaaliyeed.

Wixii ka dambeeyay sanadkii 2007-dii ayuu dilka wariyeyaashu noqday sidii tusbax go’ay oo kale, waxaana la rumeysan yahay oo qof kasta oo Soomaali ah ka dhaadhacsan in wixii sanadkaas ka dambeeyay dilalka loo geysto saxafiyiinta ay ku lug leeyihiin  kooxda Al-shabaab, walow dowladduba aysan ka marneyn dilalka iyo dhibaateynta wariyeyaasha oo ay jireen dhowr wariye oo ay dileen kooxo ku lebisnaa dareeska ciidamada, isla markaana lagu dilay degaanno ka tirsan goobihii ay dowladdu xukumaysay, kuna awood badneyd, inkastoo markaasi saraakiisha dowladdu ay dafiraad cad sameeyeen.

Guud ahaan wariyeyaasha lagu dilay Soomaaliya 22-kii sano ee burburku dalku ka jiray waxay gaarayaan 65 wariye oo 50-ka mid ah lagu dilay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, halka 15-ka kalena lagu dilay gobollada kale ee dalka, wuxuuna sanadkii ugu dhiig qulqulka badnaa ee wariyeyaasha soo mara ahaa sanadkii tegay ee 2012-kii, markaasoo la dilay 18-wariye oo qaarkood hal goob lagu dilay, kuwo kalena la gowracay, tiiyoo aysan jirin cid loo qabtay ama maxkamad loo soo taagay, hadal iyo cambaareyn mooyee.

Markii dowladdu ay ka baxday Kumeelgaarnimada, lana doortay madax cusub, isla markaana la wiiqay inta badan awooddii kooxda Al-shabaab dilalka wariyeyaasha waa ay soo yaraanayeen, waxaana sanadkan 2013-ka la dilay hal wariye oo kaliya, taasina waxay yididiilo iyo farxad soo gelisay wariyeyaasha,  balse markii dilalku ay yaraadeen oo la is yiri saxafiyiintu hadday nafiseen ayaa waxaa haddana bilowday in wariyeyaasha la xiro, la handado, lana cabsi geliyo, taasoo iyana la macno ah qalqal gelin lagu samaynayo bahda saxaafadda iyo in gebi ahaanba la damiyo shumaca ifaya ee kaahiisu ay bidhaaminayaan  saxafiyiintu.

Wariyuhu waa uu u nugul yahay in la dhibaateeyo, waayo ma hubeysna, hubna ma qaadan karo, hubka kaliya ee uu adeegsadana waa qalinka iyo makarafoonka oo uu ku baahiyo xaqiiqada markaasi jirta, waana wax la ogsoon yahay in dhinacyada siyaasadda Soomaaliya isaga soo horjeeda aysan jeclayn warbaahinta iyo dhaqdhaaqyada wariyaasha ku howlan soo tebinta xaqiiqada jirta.

Haddaba si kasta oo wariye loo dilo ama loo xiro amaba loo cabsi geliyo waxaan cod dheer iyo cod gaabanba ku sheegayaa anigoo ku hadlaya magaca Saxafiyiinta Soomaaliyeed in shaqada saxafanimo aysan marna joogsan doonin oo ay sii soconayso ilaa iyo abidkeed.

I DIL AMA I XABIS oo si kasta ii cabsi geli Wallaahi sheegista xaqiiqada jirta kama aamusayo, xaqana kama leexanayo, ummadana indho iyo dhego la’aan ma dhigayno, waxaadna ogaataa haddii saxafi la dilo ama la dhaawaco in mid kale oo caaboon uu booskiisa buuxinayo, haddii mid la xirana uu mid kale oo saaxiibkiis ah shaqada sii wadayo oo marna wariyuhu uusan aamusaynin, shaqada warbaahintuna aysan joogsan doonin, waxaana taas daliil cad kugu ah meeqa wariyaa la dilay, la dhaawacay, la xabisay ama la qalqal geliyay ma aragtay saxaafad aamustay ama sal guurtay, marka haku daalin inaad wariye caburiso.

Cabsi gelinta lagu hayo wariyeyaasha Soomaaliyeed ee dilka iyo xariga loo geysanayo ma aha mid ku xambaari doonta in ay baqdaan kadibna ka aamusaan sheegidda xaqiiqada jirta, walow ay tahay uurku-taalo xannuun badan oo weligood aysan iloobi doonin, haddana waxaanu rumeysanahay in marka wariye la dilayo ama la handadayo amaba la xabisayo ay ujeeddadu tahay gudbin fariin ku socota dhammaan wariyeyaasha Soomaaliyeed, taasoo lagu doonayo in afka la qabto wariyeyaasha oo la waayo cid ku hadasha codka dadweynaha dhiban, isla markaana soo bandhigta dhibaatooyinka ka jira Soomaaliya ee sida dadban iyo sida tooska ah loo geysanayo.

Haddaba haddii la moodayo in wariye la dilay ama la dhaawacay ama la xiray shaqada warbaahintu ku istaagayso mar kale iyo mar saddexaad waxaan caddeynayaa in qalinku qaddiisu guri doonin, makarafoonkuna howlgab noqon doonin oo shaqada saxaafaddu sii soconeyso siina socon doonto, MARKA I DIL AMA I XABIS WALLAAHI MA AAMUSAYO oo dadka iyo dalka waan u shaqeynayaa.

Waxa Qoray: Saxafi sare,
C/raxmaan Cumar Madoobe (Caaqil Dalmar)
caaqildalmar@hotmail.com
caaqildalmar@gmail.com

XARIGA SAXAFIYIINTA MUXUU SAHLAYAA?

$
0
0

Freelance-Journalism-Jobs1[1]Soomaliaya waxaa kacuratay  dowlad    muda hatan lagajooga  21sano  kadib  ayaa waxaa  laga,soo gudbay  waxlayirahdo  kumelgar   iyo sad bursi  waxaa mahad balaran  iskaleh  ilheygii abuuray  Konkani  mantana soomaliya kasaray  kumelgar  waxaana alamadiis ah  ha,dii qaranimadii shacabka soomliyed oo ay dib uhelen .

Waxana sharaf weyn  u,ah  umada soomaliyed  in  ay arakto  astanta quruxda badan  ee qaran lugu garto  oo ah calanka  buuluga    xidikta shanta gees dhaxda ka asteysan melo badan oo aduunka kamid ah   laga soo dhax mujiyay mar labaad  astantii qaranimo    ee dal lugu yiqiinay.

Soomaliya waxaa ay soomartay  dhibatooyin aad ubadan  oo ah  ijid aan ku jiidi , looma dhama  hadii an kadhaxmuuqan  waa dib haloo celiya iyo waxyabo lamid ah

Dowlada talaboyinka  ay qaday    ayaa waxaa aytahay  mid runtii aad uquruxbadaan  luguna tageri karo aydoo koxo badani ay cadeysten, in ay dacayad raqiis ah ay kabixiyan  dowalda   siiba kuwa wararka  tabiya  anan ku salesnen anshax saxafaded iyo mid bina adinama ah  .

Waxaa wadamada  qarkod kadhacaa   marwaliba  gabod falo loogesto   shacaabka kunol  halkasi  hadey noqonlahayen  dilal jokta ah   farxumen  loogeysto dumarka qarkod   inatasi ayadoo ay jirta  ayaa shaqsiyadaka gesta falkasi waxaa loo soo cuksadaa  in uu qalbigiisa uu jogin  markasi falka cenkasi uu samenayay  tasina ay dhacdo in war bahinta gudaha iyo dibadaba ay kaqabsadan .

Manajirta wax layirahdo  saxafad xor ah  waxaa ay qoraan wax ay dowlada ay danteeda ku jirta  manjiraan war bahinada  faraha badan   ee kahad,laya siyasada   tusaala ahaan waxaa jiraa wargeeyso dhowr ah kasoo baxa meelo kala gadisan  ee   dalalka shekta  in ay ka jiraan saxafada xorta ah   wargesyada waxaa ay qoraan waxa ay soo qoren    todobadkii tagay  ayaa ay sooqatan   tasina waxaa ay katurjumeysaa  in aysan jirin   wax saxafad xor ah

Soomaliya manta waxaa ay ubahantahay  in laga ii biya aduunka wanaga shacabka soomaliyed  iyo sida ay nabada  ay ujecel yihiin  latusiya aduunka tasina ay tahay mid  runtii   ay shacabka kajooga dibadaha  in latusiya  .

Saxafiga dhabta ah waa midka dalkiisa u horseda wanaga  kana difaaca  xumanta    shacabkisa  ku baraarujiya  wanaga qaranimo uu leyahay bacdamaa in mudo lugu soo jiray  dagalo sokeyo  iyo tafaraaruq siyasaded.

Xarega  ay qadeysa dowlada  waa mid runtii  ku yareneysa  shaqsiyadka cadeestay in wixii ay doonan  ay kashegan  dowlada  tasina ayaa waxa ay sahleysaa in ay bartaan qeynuunka  saxafada ayna tusisa in manta dalka soomaliya  ay kacuratay  dowlad uu shaqsi waliba uu san qori Karin  waxii uudoona uuna tabini kirin .

Waloow ay jiraan websedyo qarkood  warar aan jirin ay kabahiyan  saldhikayada  dowlada  ay kuleyihiin  dibadaha  tasina ay dhalinkarto  iska hor imad ay keento dowlada iyo shacabka  waxaana aydowlada ay wood buuxda uledahay kan jooga wadamada kajira xukumadaha  in looso gacangalinkarayo.

Bashka xaji  Baroow

 

 

 

 

 

 

 

 

Meel loo laabtaa majirtee, jilbaha halloo dhigo.!! (Qalinkii Maxamed Xaaji)

$
0
0

HAJIDILAAGA DADKEENA…..Ninkii gabar QURUX badan doonaya wuxuu gabadha ku shukaansadaa inuu nin fiican oo CAANA MA DAADSHA ah yahay si uu u kasbado qalbigeeda, maadaama uu insaanku qof wanaagsan oo mas’uul ah jecel yahay, ka warran marka midka gabadha u sheega inuu XILE GUBE xanaaq badan yahay miyay ka yeelaysaa inuu ‘GUURSADO’?

Waxaan ku keenay ama SHEEKH CAALIM ah sujuudda hallagu toogto ama dadka iska cunteeynaya halla qarxiyee ciddii doonaysa inay CABSI GELIN iyo DIL dal ku qabsato waxaa ila haboon inay arintaa DIB U EEGIS ballaaran ku sameeyso, waayo sidaa saldano lagu gaari maayo SAADIRNA waa lagu seegayaa. Waxaa mahad leh ALLIHII aan dad badan wax ku gaarsiinin.

DOWLADDA……Waxaa muuqata in amaanka ay weli habacsanaani ka muuqato waana loo garaabi karaa waayo weli dowladdu ma caga dhiganin, balse baabuurkan MIINAYSAN waxaa lagu ogaan karaa METAL DETECTOR la saaro gaari kasta oo meesha soo gelaya, waxaa intaa dheer iyadoo aan ognahay wadciga jira ayaa misna maalin kasta la qabtaa dibad baxyo bilaa micne ah iyo xaflado khalad ah oo aan loo baahnayn sida xuskii Saint Valentine’s Day. Arintaa DIB U EEGIS hallagu sameeyo oo dadka yaan la hodin.

DADWAYNAHA QORAX JOOGTA AH……..MUQDISHO gaar ahaan iyo SOMALIA guud ahaan waxaad joogteen iyadoo sidan ka liidata hadda RAJO ayaaba soo bidhaamaysee waxaan leeyahay yaan laydinku niyad jebinin waxyaabahan, waayo waan aragnay dhibaatada ay dal iyo dowlad la’aantu leedahay, inta DHADHAAB u qaxday, inta ISLII ku dhiban inta badaha ku DHIMATAYBA way dhinteen, qofna tiisa ma dhaafayo lkn dhimo adigoo u dagaallamaya sidii ay dadkaagu dhibka uga bixi lahaayeen.

DADWAYNAHA QURBA JOOGTA…….Dad badan oo ka mid ihi dalka ayay ku laabteen oo si GEESINIMO leh ayay howlo badan oo uu dalku u baahan yahay u bilaabeen qofkii marka aan isagu ku dhiirran karin ee ay la tahay inuu AMERICAN, EUROPEAN, ama AUSTRALIAN yahay ama ay dano kale dib u dhigeen, asxaan ha sameeyo ugu yaraan oo yuusan hadallo NIYAD JEBIN ah dibadaha kasoo tuur tuurin, qofkii naftiisa u baqaya cid khasabeeysa majirto ee meelihiisa ha joogo.

Waxaan ogahay inaan jecelnahay inaan isku soo sawirno EIFFEL TOWER, STATUE OF LIBERTY, BIG BEN IWM, lkn ogoow dadka dhistay TAALLOOYINKAN iyo JARDIINOOYINKAN aad jeceshahay inaad ku hees heesto rag baa DHIIG iyo DHACAAN u huray oo dhib baa loo maree iskama dhalan.

Marka hadii aan doonayno inuu dalkeennu dhibka ka boxo aynu wax HURNO balse hadii ay waxyar dhacaanba haddii aan cararno oo aan niyad jabno, waa ayo cidda inta timaadda dhulkeenna noo hagaajin doonta si hadhoow isagoo diyaarsan oo qurux badan nagu nalookugu soo DHOWEEYO…..Ciddaasi waa inaga ama maba jirto…Forza SOMALIA.!

FG:‘’Haddii aad markasta guulaysato waxaad si wanaagsan u taqaannaa naftaada iyo cadowgaaga.

Haddii aad marna guulaysatid marna lagaa guulaysto waxaad midkood si wanaagsan u taqaannaa cadowgaaga iyo naftaada.

Balse haddii markasta lagaa guulaysto naftaada iyo cadowgaaga midkoodna si wanaagsan uma taqaanid’’ Sun Tzue, The Art of War

Waxaa Qoray: Maxamed Xaaji Xuseen Raage
Farriin-Danabeed: maxaaji@hotmail.com
Gothenburg, Sweden

Maxaa keeney weerarkii lagu qaadey Masjidka Xaram 1979?

$
0
0

abuzuhriAssalaamu Alaykum. Maanta iyo qoraalkeena waa qiso dhab ah oo dhacday Xaramka mudo iminka laga jooga 34 sano! Qof kasta oo Muslim ah waa fahansanyahay qeymaha iyo qadarinta ay naga mudanthay magaalada barakaysan ee Makka Al-Mukarramah. Makka qof lagu dila iskadaaye, geedaheeda lama ogala in lagooya. Xitaa qofkii niyada xumaan uqaada magaaladaas Allah wuxuu ku abaalmarin doona Cadaabka Aakhira.

Meesha sidaas ah makulatahay inaad weerari laheyd? Haddii ay jawaabtaadu tahay maya, dhiiga qofka muslimka ah oo ladaadiyo ayaa kaxun kacbada oo dhulka lalasimo Ilaahay aktiisa!

20-nov- 1979(1da bisha muxaram 1400H) waa maalin taariikhda kagashay baal madow kadib markii uu kadhacay Baytka Allah dagaal dhiig badan kudaatey oo ay kudhinteen caruur, dumar iyo dadkale oo aan waxbo galabsan.

Mudo 2 isbuuc ah, safafkii Salaadaha waxaa badalay dad meyd ah oo safan saaxada masjidka. Aadaanka 5ta salaadood waxaa badalay rasaas iyo madaafiic aan waqti laheyn. Dhawaafka Safa iyo Marwa waxay noqotay goob ay isku ceyrsadaan dagaalyaaniinta isceyrsanaya.

 

Sidey wax udhaceen? Markii Imaammka Xaramka salaada subax kabaxay, waxaa makarafoonka lawareegey niman aad uhubaysan oo ogeysiis kubixiyey inuu maanta soo baxay Mahdigii lawada sugaayey ‘Sidaas awgeed loo baahan in lala baayactamo si uu ula wareega hogaanka ummadda islaamka!. Qaar kamid ah kooxdii hubaysaneyd (ayagoo iska dhigaya dad caadi ah) ayaa saf usoo galay inay gacan qaadaan Mahdigii.

Waxaa xigtey in laxiro dhamaan albaabada iyo meelaha laga soo galikaro Xaramka! Waardiyaasha Xaramka oo isku dayey inay hor-istaagan toogasho ayaa lagu diley.

Dagaalyaaniin aad utabaran ayaa loo kala qeybiyey dabaqyada sare iyo minaaradaha ayagoo lagu amarsiiyey inay toogtaan haddii ay ciidamada amniga soo weeraraan.

Dadkii gudaha Kacbada joogay waa lakala qeybsamay. Qaar waxay uqaateen inay run tahay oo safka ayey dhinac kagaleen. Qaarkale oo ubadan culimada aqoonta leh way diideen ilaa lagu maquuniyey qori caaradiis!

Imamka Xaramka markii uhoraysay oo makarafone laga qaadey ayaa dhowr jilib iyo feer loo galiyey oo dadkiisa ayuu dhan karaacay.

Dadka joogey Xaramka banaankiisa ee maqlay ogeysiiska ayaa waxaa kudhacay anfariir ayadoo qof weliba meesha uu joogey ka ordey maadama lagaaray Aakhir Zamaankii, meesha ay qaarkale ku soo ordeen Masjidka si ay ugu qeyb galaan Baycada haseyeeshe waxay arkeen masjidka oo wada xiran.

Qisada Mahdiga? Mahdiga iyo goorta uu soo bixi doona waa arin dhab ah oo kusugan kutubta Sunada laakinse sixun loo saadaalinkaro goorta uu soo bixidoona iyo qofka uu yahay intaba.

Mahdiga waa nin wanaagsan oo soo bixidoona Aakhir Zamaanka kahor inta aanu Ciisa (CWS) soo dagin. Ma’ahan qof isa soo sharaxay ama horay loo ogaa ee hal habeyn ayuu Allah ku hanuuninayaa hogaanka ummadda. Sifaadkiisa ugu muhiimsan, waa inuu ku abtirsado qoyska nabiga(ASW) dhanka Xasan iyo Xuseen. Magaciisa iyo magaca aabihiis waa inuu waafaqa magaca nabiga SCW- Muxammad Bin Cabdullah. Waxaa kale oo muhiim ah inay dhacaan arimo kale oo gogoldhig u ah imaanshihiisa.

 

Dowlada lagu tuhmay Qabsadashada Xaramaka

Markii Xaramka laqabsaday, dhamaan madaxda sare ee qoyska Sacuud dalka way kamaqnaayeen marka laga reebo boqor Khaalid oo isagu xanuunsanaa. Intoodii joogtay

ayaa go’aan ku gaarey inaysan arintaan banaanka ubixin si aysan ugu faa’ideysan wadamo ay isku hayaan hogaanka ummadda sida Masar iyo Ciraaq oo ayaga kashaqaynayey in ummadda lagu mideeyo ‘Carabnimo’

Dhamaan khadka telephonada wadanka ayaa lajarey,waxaa sidoo kale ladhigay ciido dhamaan wadooyinka gala magaalada Makka. Waxaa lamamnuucay warbaahinta aduunka inay timaado oo ay kawaranto dhacdadaan.

Ummadda Islaamka, waxaa kudhacay jahawareer ayagoo la’isweydinaya cida meesha qabsatey inay gaalo ama Muslim yihiin? Ma runbaa inuu Mahdi soo baxay oo lagaaray Aakhir Zamaankii?

Dad badani waxay tuhmeen Shiicada reer Iran oo ayadu howlgalka isbadal ah kawaday Iran. Waxaa tuhunkaas sii xoojiyey ayadoo dhacdadaan kahor, ciidama Sacuudiga iyo shiicada dagan Konfurta wadanka gorada iskula jirey taas oo dhiig badan kudaatey.

Qaarkale waxay lafuuleen reer galbeedka sigaar ah Maraykanka oo isaga  xariir dhow lalaha dowlada sacuudiga. Khumayniga reer Iran oo kafaa’idaysanaya aamuska qoyska reer Sacuud -ayaa kasiidaayey warbaahinta aduunka inuu Maraykanka qabsaday Xaramka maadama uu yahay cadowga 1aad ee Islaamka.

Dad aad ucaraysan ayaa weeraray safaaradaha Maraykanka kuleeyahay wadamada Pakistan, Libya iyo Bangladesh, meesha safaarada Maraykanka ee wadanka Iran ay horay uqabsadeen arday kacaraysan siyaasada Maraykanka.

Dowlada Marayka ayaa cadaadis kusaartay Sacuudiga inay warbaahinta kahadasho oo ay caalamka usheegto ‘cida Xaramka haysato’ inaysan Maraykan shuqul kulaheyn! Hase yeeshe warkii ay soo saartey dowlada Sacuudiga ayaa noqday ‘kadaroo dibi dhel’ kadib markii ay ku gaabsatay in qolooyinka falaago ah rabshad kasameeyeen Xaramka iminka wax laga qabtay ayagoon sheegin cida ay yihiin.

 

Taariikhda Falaagada Xaramka Qabsatay

Juhayman Bin Mohammad Bin Seef Al-Cutaybi waa aas aasaha dhabta ah ee kooxdan. Juhayman wuxuu dhashay 16/September 1936 wadanka Sacuudiga.Inta aanu qaadan fikirkan,Juhayman wuxuu kasoo shaqeeyey ciidamada nabad sugida wadanka Sacuudiga mudo 18 sano.

Juhayman wuxuu kubiirey jaamacada Makka Al-Mukarramah oo uu kabaran jirey ‘Al-Falsafah Al-Islaamiyah’, mudo yar kadib wuxuu uwareegey jaamacada Madinah Al-Munawarah halkaas oo uu kabilaabay fikir diineed kusalaysan in dadka diinta lagu celiyo isagoo xooga saaray dhulka baadiyaha.

Ragii uhoreeyey ee fikradiisa qaatey waxaa kamid ahaa nin la’oron jirey Muxammad Bin Abdullahi Al-Qaxdaani oo qabay Juhayman walaashiis oo kamid ahaa xirta Sheekh Ibn Baaz Allah unaxariiste.

Juhayman iyo Muxammad Abdullaahi waxay kamid ahaayeen dhallinyaro badan oo saluugsaneyd nidaamka qoyska boqortooda iyo inay kabaxayeen balama badan oo ay horay ulagaleen shacabka iyo culimada Diinta.Dhanka kale Jumayman iyo kooxdiisa waxay kutuhmeen culimadii waaweyneyd oo ay u arkayeen inay lashaqeynayaan nadiimka qoyska oo aysan gudaneyn ‘Al-Amr Bil macroof wannahyu Canil-munkar’

Juhayman iyo kooxdiisa waxay kuqanceen in lagaaray goortii uu soo bixilahaa Mahdigii lasugayey kadib markii ay arkeen waxyaabo badan oo aduunka kadhacaya. Waxa lasheegaya inay hal habeyn riyo ku arkeen inuu Muxammad Bin Abdullaahi Al-Qaxtaani yahay Mahdigii lasugaayey. Muxammad oo ahaa nin cibaado badan oo xaafid Qur’an ah ayaa sheegey inuusan dhamaystiri karin shuuradaha ‘Mahdinimada‘ maadama uusan ku abtirsan Nabiga (SAW) haseyeeshe Juhayman ayaa kuqanciyey Abdullaahi Bin Muxammad inuu sheekto inuu Quraysh kasoo jeedo asal ahaan.

Dowlada Sacuudiga ayaa gudaha utaxaabtay qaar kamid ah markii la arkay khatarta ay soo wadaan mustaqbalka dhow kahor weerarkan Xaramka. Culimada Sacuudiga sida Sheekh Ibn Baz ayaa kacodsadey dowlada inay iska cafiso ‘waa intaas’ oo ay kanoqdaan fikirkaan.

Sida ay hubka ku soo galiyeen masjidka,

Waxaa jirta laba sheeko oo arintaas kusaabsan. Waa mida hore, waxay lasoo galeen Xaramka ayagoo xanbaarsan santuuqyada meydadka lagu qaado oo hub kabuuxaan. Xaramka, salaad weliba waxaa lakeenaa meyd lagusido Santuuq siloogu tukado.

Mida labaad, falaagada waxay laheshiiyeen shirkada Bin Laden oo mas’uul ka aheyd dhismaha Xaramka oo laheyd albaab ugaar ah halkaas oo kasoo galiyeen hub fara badan. Mid ay noqotaba, waxaa lasoo galiyey hub aad uculus oo ay ciidama sacuudiga utaagwaayeen mudo labo isbuuc ah.

Sidee looga xureeyey Xaramka?

Waxaa lasheegaya inay dowlada Sacuudiga kala tashatay Culimada in xoog la adeegsado kadib markii ay diideen inay isa soo dhiibaan.

Qoraaga layirahdo Yaroslav Trofimov oo qoray buuga layirahdo ‘the siege of Mecca‘ oo la’oronkaro waa buugaagta yar ee arintaan laga qoray dhacdadaan- wuxu sheegaya inay jireen ciidamada Faransiis ah oo gacan kageystey how-galka laakinse aysan galin Xaramka gudahiisa.

Xuraynta waxay martey 3marxaladood. Marxalada 1aad waxaa la’adeegsadey ciidama nabad-sugida haseyeeshe madaxa wey soo galinwaayeen xaramka aktiisa kadib markii madaxa lagawada tooktey.

Marxalada 2aad waxaa loo yeerey ciidamada militaryiga, kumaandooska iyo kuwa sida khaaska ah loo tababaray.

Ciidamadan oo isticmaalaya hubkga kiisa kala duwan iyo gawaarida gaashaaman, waxay kuguulaysteen inay xureeyaan ilaa Xajar Aswadka markaas oo ay falaagada isku gureen godka hoose ee dhismaha xaramka.

Dagaalkaas wuxuu ahaa mid ay kuhoobteen labada dhinac. Saraakiisha ciidamada hogaaminaysa waxay noqdeen mid dhintey, mid dhaawac ah iyo mid laqafaashey oo godka lala galay.

Waxaa xusid mudan in askarta qaar diideen inay Kacbada Allah xabad kufuraan laakinse lagu amray.

Marka ay arin halkaas marayso ayaa loo baahdey khubaro kale oo howshaan gacan kageysata.

Wadamo badan sida Jordan, Pakistan iyo Maroco ayaa muujiyey inay diyaar uyihiin inay soo diraan ciidamo haseyeeshe Sacuudiga ayaa kagaabsadey ayagoo kabaqay inay ‘hadhow’ kufaragaliyaan ‘maamulka Makka iyo Madinah‘ iyo inay kumanasheegtaan.

Waxay dantu dhaafiweydey in lamaciinsado xagaas iyo reer Yurub iyo raga xooga badan.

Marayka waa iska soo taagay oo horay ayaa loogu tuhunsanaa inay arintaan kadanbeeyaan. Haddii lagu arko ciidamo ay leeyihiin Makka iyo meel udhow, waxay kabaqeen inay arinta noqoto ‘dab banziin lagu shubay’.

Wadanka France ayaa muujiyey inay diyaar uyihiin inay buuxiyaan booska Maraykanka.

Kulan iyo wadatashi badan kadib, France waxay soo dirtey 3 nin oo khubara ah iyo diyaarad xanbaarsan Sun khatar ah oo lamid ah tii ciidama Russia u isticmaaleen Tiyaatarka Moscow 2002.

Dad badan waxay aaminsanyihiin in 3da nin ee Faransiska ah soo galeen Xaramka oo ayagu hogaaminayeen ciidama meesha galay laakinse waxaa loo badanyahay inay  arintaas sax aheyn.

Komandooska Sacuudiga oo xanbaarsan suntii Faransiiska ayaa galay godkii ay kujireen falaagada ilaa laxureeyey meesha oo dhan. Dad badan waa ladilay, dad badana waa lasoo qabqabtey ayagoo nool suuxsan.

Xagee kudanbeeyey Mahdigii iyo Juhayman?

Muxammad Bin Abdullaahi wuxuu kudhintey dagaaladii ugu horeeyey ee lagu xuraynayey qeybta sare ee Masjidka. Dhowr jeer oo looga digay inuu ka gabada xabada, wuxuu dhihi jirey ‘suurto gal ma’ahan inan dhinto ilaa aan guto howshii Allah ii soo saaray’.

Qaar kamid ah falaagada oo ogaadey geerida Mahdiga ayaa muujiyey walaac kusaabsan dagaalka iyo sida uu xaq uyahay iyo in lagaarey Aakhir Zamaankii haseyeeshe Juhayman ayaa amar kusiiyey inay iska aamusaan oo aysan gaarsiin dagaalyaaniinta kale.

Juhayman iyo dagaalyaaniin badan ayaa gacanta lagu soo dhigey ayagoo dhaawac ah iyo qaar lasuuxsan Sunta.

Waxaa cajiib ah dagaalka intaas socday inay dumar iyo caruur meesha kujireen. Waxaa kale oo cajiib ah dadkaas waxay kunoolaayeen Timir iyo biyaha zamzamka oo ay u isticmaali jireen daawo ahaan qofkii dhaawacmo.

Juhayman markii laqabtey waa uu diidey inuu hadlo ilaa ay uyimaadeen qaar culimadiisa ah markaas oo uu weydiistey in danbidhaaf loo weydiyo Allah.

Sanad kadib Juhayman iyo ugu yaraan 67 qof oo kale ayaa lagu tooktey magaalooyin kala duwan wadanka Sacuudiga. Waxa jira qaar kale oo kabadbaadey xukunkaas oo lacafiyey mudo markii ay xirnaayeen.

Walaalyaal waan idinku dheereeyey welina kama jawaabin su’aashii aan kubilaabay haseyeeshe adinka ayaan idiin dhaafaya inaad kabaartaan qoraalka dhexdiisa ‘sababta’!

Intaan markale kulmi doona inshallah waa walaalkiin Adam Abdi Abuzuhri oo idin leh wasalaamu Alaykum.

Abuzuhri1@gmail.com


Konton Kun oo Doolar oo Halis Wadata !! (Warbxin Xiiso leh)

$
0
0

dr sacid“Rasaasta aan Maqleyney Alla Waa Wariye Hebel ee Deriskeennaa ahaa waxa la diley , markiiba Laba Nin oo ka dhawaa  halkii lagu diley Wariyaha ayaa meel Luuq ah ku eryadey  Raggii Diley Wariyaha waxayna  labadii nin markii ay soo galeen Luuqa ayey yara Hakadeen ka dib markii  ay dareemeen  Muqdi yar maadaama uu markaa  Dayaxana uu sii dhacayey, Salaadii Cishana laga soo baxay , inta is fiiryeen ayaa mid yiri “War raga waa noo dhow yihiin aan soo qabano” halkii ayey Oradkii ka bilaabeen, waxay Lugaha Furaan ama ay Ordaan ,waxaa luuqa ka Boodey Wiil Dhalinyaro ah oo markaa marayey , markii uu  Indhaha ka qaadey laba nin  oo dheg la qabta lahayn si aad ah u  Xawaareynaya, Wiilkii Dhalinyarada ahaa ayaa waxaa uu  isagana  Bilaabey  in uu ka  Cararo waxay ka Cararayaan ragaan ,isagoo u qaatey in Nimanka ay Balaayo ka Cararayaan ,waxa la is eryadaba oo la is eryadaba , wiilkii Dhalinyarada ahaa ayaa labadii nin gacanta ku soo dhigeen ,iyagoo is leh maantaa qabteen ninkii Wariyaha Diley ,waxaana markiiba ka daba yimid Xaafadii oo  dhan waxa Wiilkii lagu bilaabey Feer ,Haraati, Ul iyo qof waliba waxa u ay gacantisa ku jirto ayuu la dhacay  ,waa la soo jiidey oo waxaa la keeney  meel Banaan ah  dadka oo dhan waxay u duceynayaan labada nin ee soo qabatey wiilka Wariyaha Diley “ “Gacanta Ilaah idiin kama Gooyo” Labada nin waxay ku dharaanayeen in Wiilkaan uu yahay ninkii Diley Wariyaha Bistooladiina uu Tuurey.,

Xaafaddii oo dhan baa Jug soo tiri waxay dadka ku qaylinayaan “  War yaan gacanta loo gelin Dowlada ee Barta ha lagu Khaariyo oo isku mar ha lala Duugo Wariyaha “ Haweeney ayaa iyana tiri “War waan aqaanaa Wiilkaan  oo aragiisaa iigu yaal hore ayuu u diley Wariye Hebel “ Alla waa Runteed “ “Alla waa Runteed” Waa  ninkii Wariyayaasha Dhameeyey, nin odey ah oo Goobta ku sugnaa  ayaa soo boodey ka dibna inta u soo dhawaadey wiilkii la soo qabtey uu yiri “Wax badan baad fakatey ee maanta waa lagu hayaa sharciga ayaa lagu horgeynayaa “ Qof kale oo ka dhawaa halkii lagu hayey Wiilka ayaa yir isagoo ku qaylinayaa Cod Dheer  “War ma ogtihiin in  Dowladu balan qaadey in ninkii Wariye Dila ee Ruuxii so qabta la siinayo Abaal Gud dhan Konton Kun oo Doolar” Markii Warkaasi uu soo yeerey ayey labadii nine ee soo qabtey Wiilka ayaa nin kasta waxa uu qalbiga gashey in uu isagu leeyahay Kontan Kun ee Doolar “

“Waxaa meeshii ka bilowdey Muran ku saabsan Ciida leh Abaal Gudka waxaana weli Goobta lagu hayaa Wiilkii la soo qabtey “ waxaa uu ku doodayaa war wax Hubsada  anigu wax  ma Dilin “ Markii ay eryadaasi ka soo baxaan waxaa ku dhaca Feer iyo Haraati,waxaa loo xirey laba Dible , Cid  Dheg Jalaq u siineysa ma jirto Calaacalkiisa “ Haweeney ayaa leh “Waaba soo indho Cad yahay  Indho adagaa aniga ma Dilin aa , Heee Heeee Walee maanta waa lagu hayaa, waxaa weli lagu muransan yahay Ciida qaadaneysa Kontanka Kun ee Doolar , intii  dooda soctey ayaa  waxaa yimid Ciidamo Boolis ah .markiiba Katiinad ayey gacamaha uga Boobeen ,waxayna Dadweynaha dhoobnaa Goobta weydiiyeen Ciida Soo qabatey Gacan ku Dhiiglaha markiiba waxay Farta ku fiiqeen Labadii nin, iyagiina horaa loo wadey  , intii la sii wadey ayaa waxaa Diirashada ka eegey Wiilka la sii wado, waaba Wiil aan aqoono , wuxuu weli ku qaylinayaa war wax Hubsada anigu wax ma dilin , yaaba u jeeda warkiisa waa la sii Qadaan Qadiyaa ,waxaa la geeyey Saldhigii Booliiska , Sarkaalkii  meesha ugu sareeye ayaa yiri “ Kan Marqaati uma baahna “

“Labadii nin ee Wiilka soo qabtey ayaa mid waliba waxaa niyada gashey sida  loo siinayo Lacagtaas Abaal marinta ah  mid baa kii kale ku yiri” Saaxiib ninka anigaa soo qabtey anigaa iska leh Lacagta “ kii kalaa soo boodey oo yiri” Saaxiib Ninka anigaa Jalaafo u dhigey sidaana ku qabtey” waxa la doodo Akhirkii waxaa wiilkii la geeyey Maxakamada waxaana lagu Xukumey Dil ka dib markii ay ku marqaati Fureen labadii nin , Hooyadii iyo Aabahii Dhaley Wiilka waa kuwa aan aqaan ,waxay  ka walwalsan yihiin wiilkoodii oo ay ku ogaayeen in uu ahaa Wiil wanaagsan oo Adaab leh oo aan lagu aqoon waxa lagu sheegey , dhowr jeer bay ka  dalbadeen Dowladda in Kiiska si wanaagsan loo baaro “Yaaba u jeeda Warkooda , waxaa lagu yiraahdaa “ Wiilkiina kama war qabtaan ee raali noqda ,

“ Qalbiga ayaa iska irhaadaa .”War maxaa qaadey,Wiilka wuxuu ahaa Wiil wanaagsan oo Waxbarashadiisa ka adag  , Habeenkii la qabanayey waxaa uu ka yimid Masaajidka walee arrintaa waxay u baahan tahay in si taxadar leh loo baaro , hadana markaana maqlo laba nin baa soo qabtey isaga oo falkii ku jira ayaa hadana  Candhuufta dib u liqaa oo is Iraahdaa wax waliba  Baniaadam ka filo dadka Xiliyadaan joogo lama Aamin karo, iyadoo la wada joogo ayaa hadan ruux waliba waxaa uu wataa Howl u gaar ah  marka Ilaah baa wax og ninkii Dulmi lagu diley maalinka Aakhiro ayaa heli doonaa Ajarkeeda”

 Markiiba waxaa Tiirka la geeyey  Wiilkii loo soo qabtey Wariyaha Dilkiisa  halkaa ayaa  lagu toogtey , waxaa markiiba  Fariin ii soo direy nin aan saaxiibo nahay oo i yiri”Saaxiib Hebel waa la toogtey “ labadii nin ee wiilka soo qabtey Konton Kun oo Doolar ayaa loo qaybiyey “ Markiiba Naxdin iyo Welwel baa la soo Baraarugey Inta Hurdadii ka soo toosey ,aniga oo qaylinaya ayaa Indhaha Sacabada mariyey “ ayaa iri “Acuudu Bilaah “  Ileen Sheekadu waxay ahayd Riyo “ Alxamdulalilaahi Ilaah baa mahad leh

Sheekadaan Riyada ahayd   waa Fariin ku socota  Dowladda Fedraala siiba Raiisul Wasaaraha oo dhawaan ka dhawaajiyey in Ruuxii soo qabta ama soo sheega qof Diley Wariye in la siin doono abaalmarin dhan Konton Kun oo Doolar inkastoo Dilka uusan ku koobneyn Wariyayaasha Keliya oo maalin waliba la dilo dad aan wax galabsan , marka Riyada waxa tahay mid macno badan bixineysa oo ah in dadka qaarkii iyaga wax hubsan in ay Sameeyaan Fal loo qaadan karo in uu Xaqiiq yahay balse Xad gudub ku ah Bulshada kaasoo u baahan Baaritaan Qoto Dheer, marka waxaan leeyahay dadka ku jira Howlahaan in ay wax Hubsadaan Soomaalida waxay Tiraahdaa “ Hubsiimo Hal Dhan Baa la siistaa” wax waliba waxay u baahan yihiin Taxader waayo Wiilka la diley ee Riyada Tilmaameysey ee la iska soo qabtey isagoo Dambi lahayn iyo labada nin ee igana soo qabtey ee u qaatey in wiilka uu ahaa ruuxii wax Diley ,waxay Dhamaantood   u  baahnaayeen  Cadaalad iyo Garsoor Dhab ah maadamaa uu dhacay Xukun Cadaalodaro ah oo la hubsan, Miskiinkaas waayey Cid u hiila waxaa uu la mid yahay Masaakiinta maalin kasta lagu Xadgudbayo..

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

 

E-Mail  amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

 

 

E-Mail  amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Ma taqaannaa sababta ay u dhamaan la’dahay QABYAALADDU? (Qalinkii Maxamed Xaaji)

$
0
0

HAJIWax kasta oo dunidan yaallaa waxay maraan 3 MEERTO, Way dhashaan, way koraan, deetana way dhintaan marka laga reebo QABYAALADDA Soomaalida…! 

Waxaan marka dhowr mar is waydiiyay sababta keentay inay QABYAALADDU naga dhamaan waydo, naga dheeraan waydo ama naga dhiman waydo?  Sidee u dhimanaysaa?

 Tiiyoo aan wada sheeganno inaan QADYAAN ka taagannahay, ama aanba ognahay xanuunka ay na wada baday ee xayaatadii insaanka noo qoonsatay, misna waxaan u qornay xambaar aan xeer ku salaysnayn, magangelyo  aan shuruuddi ku xirnayn, ciqaamad abadi ah oo ay dalkeenna fiise la’aan ku joogayso iyo biil aan ka go’aynin.

Hadaba markii aan baaris ku sameeyay QABYAALADDA iyo sababta ay ugu yaraan u duqoobi la’dahay waxaa iisoo baxday taariikhdan soo socota:

Qablaayaddu iyadoo ilmo ah laakiin aan cid si gaar u daryeesha aysan jirin oo DERBI JIIF rubac dhiman ah ayaa waxaa korriimo (Adaption) kusoo qaatay siyaasadda qabyaaladaysan ee dalkeenna oo sidaa go’aansatay markii aan xornimo beenaadka qaadannay, kadibna waxay bilaabeen inay caano, beer, kalluun, khudaar iyo wax kastoo kale ka dherjiyaan.

 Markii ay xoogaysatay ayay 70-meeyadii bilowday inay qooqdo oo wax qaniinto, dadka qaar baa is lahaa ‘’Halloo sugo way malaha caqliyaysan doontaa oo dhalinyaranimada ayaa ridridaysee’’ balse taasi ma dhicin oo 90-meeyadii ayay qaniinyadii ku dartay haraatti iyo feer. 

 Waxayna isla markiiba gacanta ku dhigtay hub culus iyadoo heshay cido ama qoysas ay maalinba mid la degto oo si wanaagsan ugu looga, iyadoo si wanaagsan loo soorayo waayo dadkii waxay u qaybsameen mid naftiisa uga cabsanaya maadaama ay markan hubaysan tahay oo aysan cidna waxba ka baryaynin iyo dad la dhacsanaa dhaqankeeda liita oo u sharfayay sidii Mahdigii lasoo dirayay Aakhiru sabaanka.

 Haatan ayaa iyadoo dadkii ka dhigtay wax ay laysay, waxay badda ku shubtay, wax ka qaxay, mid ay il ka riday, mid ay lug iyo gacan ka jebisay, mid ay caloosha kasoo ridday, oo iyadiina dhowr meel laga GARAAFEEYAY maadaama ay dad badani dhibsadeen ayay dadkeenna qaarkood waxay bilaabeen inay QABYAALADDII u qiil sameeyaan oo ay yiraahdaan: ‘’Noo daaya wallaan la’aanteed la noolaanayne’’.

 Waxaan hadaba is waydiiyay sida ay ku dhici karto in weli bahalkii laayaanka ahaa loo doodo? Waxaa marka isoo baxday inay hal sabab ku dhici karto waana marka ay qofka ku dhacdo bukto la yiraahdo STOCKHOLM SYNDROME oo ah in qofka la afduubto ee madax furashada laga doonayo uu JACAYL XAD DHAAF AH u qaado qofkii afduubka, dhaca iyo tacadiga u gaystay oo uu ku doodo inuu xitaa dartiis u dhimanayo si uu u difaaco.

 Sidaa darteed baan maanta waxaan leenahay ‘’QABYAALADDU waa wax fiicane aan abaalmarino!!’’ si ay taasi u hirgashana QABIIL kasta CALAL ha samaysto oo gooni ha u istaago hadii lala hadlana dibadaha dhowr qori haka soo qaato (Bal eeg si qabyaaladdii aan isku laynay xal loogu helo ayaan xalkii qabyaalad ka raadinaynaa)……Taasoo waxa aan ka sugnaaba ay tahay hal tuulo oo 3 CALAN leh, cimaadaha oo isa sii laaya iyo dadka oo cols ii ahaada, haddii aan caqligu soo degin uusan saq dhexe soo gudin isagoo dhuumaalaysanaya, illeen caadi uma iman karoo QABYAALADDII ayaan yeelaynin oo sidii caano lo’aad oo LIIN lagu dhiijay u fasaqaysee.!!

 Waxaan anigu is lahaa maadaama ay dagaalladii sokeeye ugu yaraan lug uga jabtay, dhibkeeda waa laga nasan doonaa oo intii hore wuu ka nasahnaan doonaa, balse waxaa la ii sheegay inay haatan raysatay oo ay caafimaad qabto oo uusan hal xididna xanuunaynin…..Waayo waxaa daweeyay Soomaali oo nolosheeda ku faraxsan….Illeen dadoow waxaa jira dad wixii dhibaya aan dhaawac u ogoleeyn…!

 Hadda tiro aan badnayn oo SAMADOON ah ayaa waxay la isla garteen in cuntada iyo dawada laga yareeyo si ay ugu yaraan u caatowdo ama cudur ugu dhimato…..Maadaama haddii lagu taliyo in si toos ah loo toogto ay Soomaali badani usoo tafa xaydanayso taban taabadeeda.

 Waxaa kaloo taas kasii khatarsan feeyrus (virus) xitaa way ka daran tahay oo markii dawo loo sameeyo waxaa is dhalan rogaya hide-sidkeeda oo waxay samaynaysaa waxaa loo yaqaanno ‘’GENETIC MUTATION’’ oo xitaa 70-meeyadii mar baa la isku dayay in la AASO, balse halkii ay ka dhiman lahayd oo RAQ  IYO RUUXDEED la is waydiin lahaa waaba tii soo DHALATAY sidii abuur GALLEEY…….Forza SOOMAALIYA.

 Waxaa Qoray: Maxamed Xaaji Xuseen Raage

Farriin-Danabeed: maxaaji@hotmail.com

Gothenburg, Sweden

DOWLAD DALKEEDII KA MARTI AH: Federaalka qabyaaladeed iyo khatarta uu soo wado.!! (Qalinkii Maxamed Xaaji)

$
0
0

HAJICudurka kaa gala fardaha, haddii laga gubo dameer, dawada lama gaarayoo waa hadal abwaan hore waana howshan haatan dalkeenna ka hana qaadday.

 

Dowladdu faraha haka qaaddo gobol hebel! Madaxweynuhu kama hadli karo arinta gobol X! Ra’iisul Wasaaraha maxaa ka galay arinta gobol Y! Dowladda Federaalka waxaanu ku casuunnay inay shirka kasoo qaybgasho! (Xagee dunida ka dhacday dowlad dalkeedii marti ka ah?) Dowladda waxaa wata reer hebel!

 

Waxaas iyo kuwa kale oo ka xaraari waxay ka mid yihiin ifafaalayaasha ay abuureen iyo kuwa kale ee jidka kusoo jira ee salka la gelaya hannaan lagu sheegay FEDERAAL oo ah hannaan wanaagsan hadii aan la wareerin, balse markii dhan kasta laga eego dhaqankeenna aan ka tarjumaynin ama aan u taagnayn xalka umadda Soomaaliyeed, oo sida muuqata iyadoo markii hore kala firirsanayd hanaankan aan la fahamsanayn kusii kala fogaan doonta.

 

Halkee sartu ka qurunsanayd maxaase qaranka jebiyay shalay?

Anagoo xaaladda u qiimaynayna si qoto dheer oo qaangaarnimo ku dheehan tahay bay ahayd inaan su’aashan is waydiinno rubuc-qarni ku dhowaad kadib, si aan markaa u gudoonsanno wixii ay danteennu kujirto.

 

Haddii aan ku fududaado inaan ka jawaabana Soomaaliya waxay ku burburtay siyaasad qabyaaladaysan (Political tribalism) iyo cadaalad darro, taasoo dhacday markii iyadoo magac qabiil la huwan yahay awooddii dalka lagu tacadiyay, nasiibdarro si taas xal loogu helana lafteedu ma marin dowgii saxda ahaa oo jabhado qamaam ah oo qabyaaladaysan isla markaana ajeendayaal qaran dumis ah xambaarsan oo ay wadaniyadda iyo waaya aragnimada siyaasadeedba ku yar tahay ayaa dalkii qabsaday, deetana kala qoqobay, qarankii dumiyay, dagaallo qabiil horseeday, xaajadii meel bay ka khaldan tahay la lahaana iyada dhanba khaarajay, sheekana qub iyo qac waa tii ku khasaartay.

 

Marka aan halkaa taagannahay xalku halkee ku jiraa, dalkase ma hanaan baa fashilay mise habdhaqankeenna gurracan ee QABYAALLADDA la yiraahdo?

 

Soomaaliya wax badbaadinayaa ma jiraan hannaan kasta oo aad keento, waayo xitaa diinta Islaamka ee  bilan ugama xishoonno QABYAALLADDA, marka ay halkaa taagan tahay waxaad ogaan kartaa in dhibka na haystaa uusan ahayn mid hannaan siyaasi ah oo la qaataa uusan xal  deg deg ah (Quick fix) usoo sidin, balse waxa muhimka ihi uu yahay inagoo helna hogaan adag oo horboodaya hannaan ka caaggan qabyaalad iyo wax kasta oo qabyaalad ku dhisan, cadaaladda dabaqa iyo cidohoo Caadilkood ka baqa ceebohoodana saxa.

Federaalku ma xal baa?

 

Haddii laga daayo qabyaaladda laga yaabe!! Oo tusaale ahaan gobollada la isu raaciyo sida ay dhaqan ahaan isu fahmi karaan ee laga daayo hanaanka qabyaaladaysan iyo xinka aan meelna inoo wadaynin (Waloow ay Soomaalidu isku dhaqanba tahay guud ahaan), misna tusaale ahaan qofka Laascaanood degan waxay is dhaqan fahmayaan Burco, qofka Berbera degan waxay is fahmayaa Ceerigaabo, Qofka Gedo deggan waxaa u dhow Baay iyo Bakool, qofka Ceel Dheer degan Galguduud bay is fahmayaan).

 

Waxaa la hubaa inuu dhaqanku ka xoog badan yahay dhalashada

Midda muhimka ah ee la hubo ayaa waxay tahay inay dadku dhaqanka isku fahmi ogyihiin in kabadan inta ay qabiilka isku fahmaan, tusaale ahaan waxaa jira qoysas aan qaraabo nahay oo deggan magaalada DIINSOOR ee koofur-galbeed Soomaaliya balse marka ay noo yimaadaan anagoo isla soconna hadii ay arkaan dad kale oo reer Diinsoor ah xitaa inaan la soconnay iyo in kale shaki baa kaa gelaya.

 

Marka haddii hannaanka loo dhiso qaab dhaqan iyo yaa is fahmaya ama isku dan ah lagaa yaabee inaan maalmo ku shaah cabno hadii kale xal nooma aha inuu xasarad hor leh keeno mooyee!

Sababtuna waxay tahay qaabka aan doonayno inaan federaal u noqonno oo nasiinaya qish ku aadan waxa kasoo socda waana inuu dalku u kala googo’o tuulo tuulo iyo qabiil qabiil oo la isugu duulo ama la isu caburiyo.

 

Tusaale ahaan magaalooyin aan u bixiyay magaalooyinka dulman oo aan ka xusi karo Boosaaso, Muqdisho, Kismaayo IWM waa in dadka degaanka laga daayo afkaaraha dusha sare looga keenayo si looga dhabeeyo sheekada la leeyahay wax baa loo ogolaanayaa dadka degaanka oo dabcan qabiil kasta ka kooban.

 

Waayo waxaad durbaba arkaysaa in aan la fahamsanayn ama la iska indha tirayo awoodaha ay kala leeyihiin dowladda dhexe iyo gobollada, waayo maamul goboleed micnihiisu maaha dal yar oo xor ah ee kaliya awooddii heerka degaan ayaa lagu siiyay. (Tusaale ahaan halkee u socdaa maamul goboleed leh wasaaradda xiriirka caalamiga ah iyo tan dibedda leh?).

 

In haatanba la bilaabay hannaan aan ka tarjumaynin sidii ay ahayd inay maamulladu u dhismaan iyadoo ay isu boola xoofteeynayaan dad aysanba khuseeynin wax ka dhihidda meelaha cidlada ah ee la isku haysto mucaarad iyo muxaafidba. (Reer hebel baa arki la’ waxa aan dhisanayno! Iyo reer hebel waxba meeshaas kama dhisi karaan) iyadoo durbaanno colaadeed oo aan loo baahnayn la garaacayo tiiyoo aysanba jirin wax la taaban karo oo la isku qabtaa.

 

Hadaba sidee u ekaan doontaa marka Soomaaliya laga dhiso federaal qabyaaladeed?

Hadda Soomaaliya waxaa ku taalla degmo Gaalkacyo la yiraahdo oo ay laba maamul ka kala taliyaan, laba calan, laba ciidan, laba hannaan, hadde waa hal degmo, Alloow naga hay! Balse dhaqankaas ayaa dalka oo dhan ku faafi doona, waayo waxaa naloo sheegay inuu xalku sidaa kujiro.

Tuuladii ay 3 beel isla degan tahay 3 calan-qabiil baa laga taagi doonaa ama inta la isku dilaa laga qixi doonaa.

Midii hal beeli u badan tahay kuwa kale ayay albaabada ka xiran doontaa sida haatanba meelaha qaar ka muuqata.

Waxaana ka dhalan doona qodobadan soo socda oo ifafaalayashooda aad qaar haatanba dareemo karto:

 

Dadka dib u socodka ah iyo kursi-doonka waxaa u sahlanaan doonta:

1-      Inay helaan fursad ay dadka uga gadaan sunta-hargaha ee ay wareejinayaan dalkana kusii qaybiyaan si ay danohooda rakhiiska ah u gaaraan.

2-      Waxay kaga sii dari doonaan qabyaaladda iyo qoqobka dhexdeenna iyagoo umadda isu tusaya CADOW RUUXI ah.

3-      Inay khayraadka dalka qiime yar ku iibiyaan iyagoo ku jaan gooynaya baahidooda shakhsiga ah.

4-      Inay awaamiir ka dhan ah horusocodka iyo midnimada umadda Soomaaliyeed kasoo qaataan cadowga Soomaaliyeed si ay saldano ihaanaysan u helaan.

 

Dalalka daneheenna farafareeya waxaa u sahlanaan doonta:

5-      Inay helaan meel (Platform) iyo fursad ay nagusii kala qaybiyaan oo ay isku kaaya jebshaan.

6-      Fursad ay ku hor istaagaan inay soo laabato SOOMAALIYA xooggan oo midaysan.

7-      Inay sii rakaateeyaan inay Soomaaliya xal kama dambays ah ka gaarto xasaradaha ragaadiyay.

8-      Inay aduunka kasii iibiyaan aragtida ah inay Soomaalidu tahay dulli aan dux lahayn oo aan danteeda aqoonin taasoo halisteeda leh.

9-      Inay dalka la maamulaan dowladda iyagoo kusoo gambanaya maamulladan madiidinka ee aan micnaha qaran lahayn sida haatanba muuqata.

 

Dowladda Soomaaliya waxaa ku adkaan doonta:

10-   Inay dalka maamulkiisa u madax banaanaato

11-   Inay mideeyso umadda oo ay weli dad usii meceeynayaan qabyaaladdii ay ku maratay

12-   Inay dibedda lasoo istaagto aragtida iyo danaha qaran ee dalka maadaama gobolladii dalku ay usii ekaanayaan dalal yar yar oo dal kale ku dhexyaalla, kuwaasoo u taagan ilaalinta danaha deriska in ka badan ilaalinta danaha dalkeenna….Alloow Alle.

 

Shacabka Soomaaliyeed waxaa ku adkaan doonta:

13-   Inay u midoobaan sidii ay ahayd iyo inay fuliyaan danohooda qaran ama gaaraan hamiga ay huwanyihiin.

14-   Inay isu dhex socdaan sidii ay doonaan, meeshii ay doonaanna ay dookhooda ku degaan maadaama aan dalal kala noqonayno (Horayna astaamo noocaas ihi wayba u jireen).

15-   Inay ka xoroobaan saamaynta cadaawaha soo jireenka ah oo markan u helaya fursad dahabi ah oo uu kuii kala furfuro.

 

Beesha caalamka waxaa ku adkaan doonta:

16-   Inay hesho cid ay rasmiyan ugala hadasho Soomaaliya

17-   Inay fahamto Soomaalida guud ahaanba taasoo keenaysa in nalaka quusto deetana sidii la doono oo aan dan noo ahayn nalookugu taliyo (Alloow naga hay).

18-   Inay diidaan aragtida dalalka horay dhulkeenna ku qaatay oo haatan helaya fursad ay ugu sharaxaan inay Soomaalidu tahay xoolo mudan in la raaco.

 

Waxaas aan sheegay oo dhami hadii ay kula yihiin khiyaali (Fiction) markale fikir adigoo meel iska dhigaya aragtida ay inta yari ku raadinayso KURSI-BAHDILAN iyagoo aan eegaynin danta guud ee qaran ee ay aasayaan si ay taas u gaaraanna dadka ku harawsanaya ‘’Reeb hebel baan difaac ugu jiraa’’!!



Aan hadaba qormadan kusoo xiro tix gabay ah oo aad u waaqici ah kaasoo ka hadlaya Soomaalida maanta laakiin waxaa cajiib ah inuu gabaygan tiriyay (AUN) Guhaad Cabdi Gahayr horraantii 80-meeyadii oo ay Soomaalidu qaranimadeedii ka dooratay jabhado daba dhilif ahaa oo Itoobiya kasoo tahliilsan jirey, isagoo dabcan saluugsanaa dadka Soomaaliyeed oo uu caqliyadooda ka gartay inaysan ahayn duul nidaam dowladnimo iyo dan guudba u bisil MUCAARAD IYO MUXAAFIDBA isagoo yiri:-


ULUULIDA ALAALIXIDA TUBAN, ARIGAN SOOMAALI.
EE AAN AQOON KALA HAGTIYO, ILI USOO JEEDIN.
ISU TAGA ABAABULA SHIRWEEYN, AAYA KAMA REEBA. (imisa shir ayan maraynaa)
ARXAN DARAN AGOONTEEDA CUNA, HOOSTA KA ABEESO.(Isuma garoowdo aan loo garaabin)
IIDAHA ISLAAM LAGU MATAAL, JAMACA AAMIINTA (Umaddu waa af ka islaam masaajiddo badan)
ARAGAAGU GOORTUU KA TAGO, CUNA ARWAAXAAGA. (Inta salaada laga baxayaa ku dheer)
MID IIBSADEY ALAAB IYO DILLAAL, INA ADEERLEEYA. (Kii qalayeey qaraabaysataa)


ILOOW BADAN SIDII NAAG UMULA, FOOSHA KU ILMEEYA.(Jugtu intaysan kugu dhicin iska eeg)
UGAAR DHAGA LA´ UUB LOO QOD DHEER, DABINNO LOO AASA.(Fashilan iyadu isku fooggan)
WAX MA ARAGTO ISU QABA ILA DHEER, AQALKA LOOSOO GAL. (Ama reer hebel baa wata ama reer hebel baa loola danleeyahay intay leedahay baa laga muraadsadaa)
ALWAAXDIYO DADKAA XAABADA AH, E ISLA AMIIRA. (Waraabaha ka carar walaalkaase iskajir)
IFKA MARATO AAKHIRANA NAAR, LAGU ABAALSIIDA.
ANUUN BAA U EEDAAMAYEE, MALAHA IIMAANE.

 

Waxaa Qoray: Maxamed Xaaji Xuseen Raage

Farriin-Danabeed: maxaaji@hotmail.com

Gothenburg, Sweden

 

Jihaadkii Baararka iyo Taraamuusta Barafka.

$
0
0

HAJIJihaadkii BAARARKIYO, Basaskaa bulshawaynta,

Baallayaasha nalalkiyo, Taraamuusta Barafka,

Beeraha baaxadda wayniyo, Xeebaha barbaartu ka buuxdo,

Wax kastoo baraare horseedi, Waydinkaa beegsanayee,

Maxaa baaruudiyo qiiqa, Loo baday ooy bi’iyeen?

 

Baaxad soore waa Ilaahoo, Wax kasta waaka bayaanshay,

Xalaashu waa bayaan, Oo xaraantu waa bayaan,

Ee Berimay diintu bannaysay, In bun aan looga dhimaynin

Oo birtiinna la saari, Ruux kastoo u bareera,

Fikirkiina beleeysan?

 

Makhaayadii laga buuxay, Baabuurtii baalka maraysay,

Baskii bii-elku fuulay, Maxaa bamkiina u geeyay?

Odaygii biilayay reerka, Binti beerku la jiidmay,

Ilmeheeda busaylsan, Ooy busaaradi hayso

Yaa dilkooda banneeyay? Oo halla baaba’sho jeedshay?

 

Billaahiye haw bareerin, In Fardoowso ballaarani

Ay been been ku imaani, Oo janno uu u baxaayo,

Ninka bulshadiisa basaastay, Ooy birtu baaqi ka reebtay,

Nabadooda bakhiili oo, Balanbalku yaanu dhamaanin,

Wanaag yaan lagu baaqin, Horumar yaanu bidhaamin,

Oo Dhiiggu hayska butaaco, U bireeyni dadkiisa.!!

 

Waxaa Tiriyay: Maxamed Xaaji Xuseen Raage

Farriin-Danabeed: maxaaji@hotmail.com

Gothenburg, Sweden

Viewing all 39 articles
Browse latest View live