Hay’ada Tamarta aduunka the International Energy Agency (IEA) ayaa maalintii Isniinta 13/11/2012 sheegtay in Amerikaanku uu noqonaya dalka ugu shidaal soo saarid badan caalamka oo dhan , uuna ka sari mari Saudi Arabia oo mudo dheer hogaanka u heysay soo saarista shidaalka caalamka.
Hay’ada Tamarta aduunka the International Energy Agency (IEA) ayaa sheegtay in aqoonta iyo farsamada cusub ay caawineen in la helo kheyraad cusub , inkastoo uu Anerikaanku isku filnaasho dhinaca shidaalka ah uu gaari doono sanadka 2035 – ta, waxuuna Amerikaanka haatan dibada ka keensadaa 20% shidaalka uu u baahan yahay , iyadoo isku filnaashahan uu Mareykanku gaarayo ay keeneyso in dalalka Bariga Dhexe ee soo saara shidaalka caalamka ay u wareegi doonaan dhinaca qaarada Asia taas oo keeni doonta in caalamku diirada saaro nabad gelyada iyo istaraatijiyada wadooyinka uu shidaalku loogu geynayo suuqyada ASIA.
Cakirnaanta siyaasadeed ee u dhaxeysa Iran iyo dalalka reer Galbeedka ayaa sii kicineysa in ay xiranto saliida laga dhoofiyo gacanka Beershiya taas oo ay u tahay Iran oo horumarineysa Hubkeeda Nukliyerka,Hay’ada Tamarta aduunka ayaa sidoo kale in suuqyada tamarta ay si xowli ah ugu soo kordheysa farsamada iyo tamarta loo adeegsanayo dabeysha iyo qoraxda iyadoo waliba ay sii kordheyso soo saarista gaaska.
Tamarta uu caalamku u baahan yahay sanadka 2035 – ta wuxuu kor u kici doonaa 30%, iyadoo 60% uu baahida ka imaan doonto CHINA, INDIA iyo dalalka Bariga Dhexe.
Qoraa Sare.
Muse Moghamed Osman.
musekiimiko@gmail.com
muusekiimiko99@hotmail.com