Quantcast
Channel: Qubanaha » Qormooyinka
Viewing all articles
Browse latest Browse all 39

K/AFRIKA : Ragga Raashiin Kariyaasha ah !

$
0
0

imagesHorta ragga raashiin kariyeyaasha ma cay-baa mise waa amaan?, jawaabtu waxay tahay “waa hadba meesha aad joogto”, haddii Soomaaliya dhexdeeda meel ka dhac ku ahayd in ay ragga raashiinka kariyaan, hadda waxaan joognaa Koonfur Afrika.

Haddii aad tahay gabar dhawaan ka timid Soomaaliya oo u timid ninkeeda oo muddo sanooyin ah ku noolaa dalkani waxaan ku farayaa siffo aad ku tijaabin kartid ninkaaga in uu raashiin karinta foorto ku yahay iyo in kale, maalin isaga oo guriga jooga hortiisa ku qalad cunto aad bisleyneysid, tusaale ahaan inta aad biyo karkarisid basal dib kaga dar adiga oo doonaya in aan suugo dalacdo, waxaad arkaysaa isagoo fadhiga kasoo boodey oo kuu sheegaya in waxa aad samaynayso ay qalad yihiin.

Basasha, bocorka, baradhada, barbarooniga, toonta, xawaajiga, maraq digaaga, kabsar caleenta, liinta, dabacaseeyaha, iyo basbaaska waa uu yaqaanaa sida ay ugu kala horeeyaan digsiga, uma deeymo darna dhadhanka, qayaasta, carafta lagu ogaado in uu raashiinka bislaaday iyo in kale iyo waliba dabka uu u baahanyahay digsiga, ha la yaabin haddii idinkoo qolka ku jirra uu kugu yiraahdo “orod digsiga dabka ka qaad raashiinka wuu bislaadaye”.

Raggu dantiisa kama aradna, duruuftuna wax kasta waa ay kugu qasabtaa, maadaamaa aanan halkani lagu heynin dumarkii raashiinka karin lahaa oo raggu barkood doobyahay, barkood kasoo tagay, in raashiinka la karsadaa waa wax nolosha ku xiran.

Raashiin karintu ragga waxa ay aad ugu badantahay tuulooyinka dukaamada ku yaalaan, dukaan ayaa laga yaabaa in aad booqatid,  marka aad illinka ka gashid ayaa waxaa kaa hor imaanaya qaac dukaanka oo dhan qabsaday, malaha digsi dabka la saaray saacad ka hor ayuu raashiinkii ku gubtey, ninkii dabka ku hilmaamay ayaa si halhaleel ah dabka oga qaadayo isagoo leh “cambuulo gubatayba waa laga sabraa”, tani waxaa ugu wacan ragga ma lahan dulqaadka dumarka oo kale oo ay saacado ku dul taagnaadaan dhari karaya, midda labaad dukaamadu howlahooda ayaa baddan, ciidankoodana waa yaryahay, sidaasi darteed iyadoo digsiga dabka saaranyahay ayaa qof kalyanti ah kuusoo istaagaya ama gaari wax wareejiya ayaa alaab kuu keenaya, waa in aad digsiga ka dul tagtaa.

Nin ayaa iiga sheekeeyey qisso qosol baddan, dukaan uu ka maqnaa ayuu illinka kasoo galay kolkaasaa waxaa salaamay uumi iyo gufaaco wallax suur qurmoon, markaasuu yiri “war yaa maantana dukaanka xaarka ku dhex karsanaya?”, iyada oo aan loo jawaabin ayuu u dhaadhacay qeybta dambe ee wax lagu kariyo, digsi ayaa dabka saaran, daboolka ayuu ka feedey, misane cidiyo iyo qoobab digaag ayaa meeshani kushleeynaya , ma iyadaa ah wax inaba la filayay, inta uu sanka marro ku xirtey ayuu banaanka iskula soo halgaaday digsigii iyo wixii ku jirrey iyadoo uu heenka is dhex yaacayo, wuxuu ii sheegey ninkaasi in uusan waligiis arag wax la mid ah waxaasi, isla markaasina aysan xittaa lahayn addoore hilib “caraf hilib”.

Imisa rag ah oo wax karintu ku cusbeyd oo koombooyin cunto ku gasacadaysan inta furtey qooshtey oo markii ay cuneene mantag ka bixi waayay, isaga oo dukaanka ku cusub ayuunbuu  arkayaa gasacado ay dadka iibsanayaan, kolba mid ayuu eegaa, mise ma ahan wax uu waligiis arkay, wuxuu is weeydiiyee “toloow sidee tani u dhadhameysaa”, marka ugu horeysa ee dukaanka looga taggo ee uu ku kaliyoobo ayuu mid furayaa oo uu tijaabinayaa, hala yaabin haddii aad u timaadid ninkii aad dukaanka kaga tagtay oo carabku banaanka yaalo oo dhareerka ka daadanayo oo waliba habaartamaya, kaliya eeg waxa digsiga ku qooshan ee uu cuney.

Mid ayaa suuxay oo loogu yeerey ambalaas, markii ay yimaadeen shaqaalihii gargaarka degdega ah ayaa loo sheegy in uu ninkani sun cunney, markii ay sariirta saareen ayay weeydiisteen in loo dhiibo suntii uu cuney, kolkaasaa loosoo taagay dhalo uu ku jirro looska cajiinka ah, malaha ninka markii uu looska cunney kadib ayuu eegey dhallada dusheeda mise waxaaba ku sawiran mukulaal isaga la noqotey jiir, wuxuu iska dhaadhiciyey in waxani uu cunney ay yihiin suntii jiirka, shaqaalihii gargaarka ayaa darbo la dhacay ninka una sheegey in aysan waxani sun ahayn.

Dukaamada dhowrka qof lagu joogo waa lagu kaltamaa cunto karinta, taasi waa wax la’isla ogolyahay, laakiin waxaa la’isku qabtaa go’aanka nooca cuntada la karinayo, marka ay cuntada dabka kasoo degto lama sugo inta ay ka qaboobeyso, ee kuleelkeeda ayaa lagu faro saaraa, ninka ayeeyo koriska ah ee dhiilkiisa ay wali caanaha ku jiraan, isaga har cad ayaa habaaska loo reebayaa, waxaad arkaysaa isagoo indhaha mirig-mirig ka siinaya, haddii uu oohin wabaah la yiraahdo marka dambe cuntadiisa gaar ugu gurra fadlan, ogoow ninka maalintaasi cuntada ku qoran ayay tahay in uu weelasha xalo yaanan lagu gaadin.

Qore: Cabdinaasir Saxansoxo


Viewing all articles
Browse latest Browse all 39

Trending Articles