Quantcast
Channel: Qubanaha » Qormooyinka
Viewing all articles
Browse latest Browse all 39

Maxaa lagu Xiray Wariye Koronto?

$
0
0

korontowaxaa weli socda qeyla dhaanta ay shacbiga soomaalida ay ka  muujinayaan xariga weriye cabdicasiis cabdinuur ibarahim koronto oo k atirsanaa idaacada dalsan ee muqdisho iyo radio ergo,
xariga weriye koronto qaabka uu ku yimid ayaa xogbadaan oo aan ka uruurinay ayaa waxa ay sheegeysaa in uu qaab sharci daro ku yimid xarigaasi.
weriye cabdicasiis cabdinuur ibrahim koronto ayaa waxa uu wareystay mid ka mid ah haweenka barakacayaasha muqdsho oo ay ciidamo ka tirsan kuwa dowlada ay kufsi kula kaceen
isagoo aan sii deynin ayaa waxaa uu raadiyey dhinaca kale ee dowlada si uu xogta rasmiga u helo.
waxaana islamrkiiba wareysiga ka war helay ciidmada dowlada iyadoo laga soo wacay xarunta nabad sugida muqdsho.
markii uu tagay ayaa waxaa la weydiiyey in haweeneydaasi barakacayaasha ah uu isaga wareystay kadibna waxaa weriye koronto loo sheegay in uu xiran yahay.
taliyaha ciidamada boliska shariif sheekhunaa maye ayaa warqad uu ka soo goostay maxkamada sare ku sheegay in 5maalmood ay kiiska weriyey koronto ay baarayaan hadii ay denbi ku helaana ay maxkamada sare u soo gudbinayaan. mudaas oo hada ay ka soo wareegagaty 8 maalmood.
xilligan ayaa waxa lagu tilmaami karaa in weriye koronto ay si sharci daro ah ay ciidamada boloska ay ku heystaan.
waxaana weriye koronto la xiran ninkii qabay haweeneydii dhibana ahayd iyadoo markii la soo xiray haweeneyda dhibanaha ah kadibna lagu bedalay ninkeeda waxaana sidoo kale la xiran gabar u shaqeyneysay NGO maxali ah oo isku dayday ina y saacido haweeynyedaasi dhibanaha ah iyadoo weriye koronto  ku soo wargelisay dhacdaasi.
saxafiyiinta soomaalida ah ayaa aad uga walacsan xariga weriye koronto iyadoo ciidamada dowlada horay looga bartay dhaca mobaylada inkastoo weriyaasha ay ku adkaandoonto in xaqiiqda saxda ah ay soo gudbiyaan taasoo loo baahan yahay in dowlada wax ka  qabato.

Haaruun ahmed shekh abdi

jordan Amman


Viewing all articles
Browse latest Browse all 39

Trending Articles