Gudoomiyihii hore Barlamanka Soomaaliya Shariif Xasan Shiikh Aadan oo shaly dib ugu soo laabatay Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho ,ayaa waxaa in tii uu ku kala sugnaa Dubai iyo Kenya uu waday qorshaha Maamul u sameynta Koonfur galbeed ee Soomaaliya taasi oo uu ka dhaadhicinaayey Dadka ka soo jeeda Goboladaasi.
Waxgarad iyo ganacsato ka soo jeeda Goboladaasi oo shariifka kulamo la qaadanaayey Mudooyinkii Danbe ayaa waxa la gu soo waramayaa in kulamadasi la is ku mariwaayey kadib markii shariif Xasan uu codsaday in isaga uu si kumeel gaar ah howshaani uu ku wado Dowlada Soomaaliyana uu ka dhaadhiciyo Qorshaha Maamul u Sameynta Koonfur Galbeed ee Soomaaliya.
Ganacsato ka soo jeeda Goboladaasi oo siweyn ugu taageersanaa Shariifka in uu Howshaani la wareego ayaa markii danbe waxaa ay sheegeen in shariifka watay qayaano oo uu isaga is ku rabo in uu Madax kanoqdo Maamulka Koonfur galbeed ee Soomaaliya taasina ay suuroobeynin.
Ganacsatada yo wax garadka ku kala sugan Magaalada Nairobi iyo Dubai ayaa waxaa laga soo xigtay in Shariif Xasan uu Gabi ahaanba ku fashilmay Siyaasadii ku aadaneyd Maamul u sameynta Goboladaasi ayna baaq u dirayaan Dowlada Soomaaliya si ay Arimahaani u faragaliyaan.
Qaar kamid ah dadkii Shariif Xasan Qorshaha la waday oo markii danbe ka carooday Sida uu howsha u wado shariifka ,ayaa waxaa ay shaaciyeen in shariifka uu ku hanjabay in uu adeegsanaayo Waxgarad iyo Dad horey siyaasad ugu fashilmay oo hogaamiye kooxeed ahaa si ay rabitaankiisa u hergaliyaan.
Wax garad ka tirsan Digil iyo Mirifle oo ku sugan Gobolada Bay ,bakool iyo Gobolka Banaadir ,ayaa waxaa ay wadaan sidii ay Ugu hortagilahaayeen ,howlaha uu wado shariif xasan ee ku aadan Maamul suameynta gobolka koonfurgalbeed ee Soomaaliya,waxana ay howsha shriifka uu wado la socod siyeen Gudoomiyaha Barlamanka Soomaaliya Maxamed Sheikh Cismaan Jawaari iyo Qaar kamid ah Xildhibaanda Ka soo jeeda Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Shariif xasan oo hada ku sugan Magaalada Muqdisho loogana bartay in u markasta uu adeegsado lacag ,ayaa durba waxaa lagu soo waramayaa in uu helay xildhibaano iyo wax garad yar oo fikirkiisa uu cabsiyo ,iyadoo ay arintaani noqokarto Caqabad weyn oo dowlada Soomaaliyeed ka soo wajahada dhanka Maamulka Koonfur galbeed.
Dowlada Soomaaliya ee uu horkacaayo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ,ayaa aaminsan in Maamul u sameynta Gobolada Soomaaliya ay Ka tashtaan dadka Deegaanka oo aan carqalad lagu furin si ay san u dhalan Colaad.
Gudomiyhii hore ee Barlamanka Soomaaliya shariif Xasan, ayaa waxaa uu sidookale la kulamay in tii uu joogay Magaalada Nairobi Xubno ka mdid ah ururgoboleedka igad iyo Ethiopia si ay garab ugu siyaan howlaha uu Wado ee ku aadan Maamul u sameynta Koonfur Galbeed Soomaaliya, kulankaasi oo aah mid qarsoodi ah ayaan la ogeyn Jawaabata uu shariif Xsan ka helay Saraakiishaasi.
C/laahi Taajiroow